Dowladda Maraykanka oo ciidamadeeda kala baxaysa dalka Suuriya.

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Suuriya ayaa la sheegayaa iney billaabeen ka bixitaanka dalka Suuriya, kadib sanado badan oo ay ku sugnaayeen kana wadeen hawlgalo milatari.

Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka “The PENTAGON” ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamadooda ay billaabeen iney kasoo saaraan guud ahaan dalka Suuriya.

Afahayeem u hadashay Maraykanka waxay sheegtay iney xaqiijiyeen howshiii ay dalkaas u joogeen oo ahaa la dagaalanka argagaxisada, waxayse intaa ku dartay in ciidamadooda oo keliya ay kala baxeen dalka Suuriya, balse hawlgaladoodi aysan weli dhamaan.

Saraakiil la hadlay wakaaladda Rueters ayaa shaaca ka qaaday in dalka Suuriya ay sidoo kale kala bixi doonaan shaqaalaha wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka, waxaana go’aankan uu yimid kadib wadahadal dhexmaray Turkiga iyo Maraykanka.

Ka bixitaanka Maraykanka ee Suuriya ayaa u muuqanaya mid wax badan ka bedeli kara xaaladda dalka Suuriya.

Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa soo dhaweeyay arintan, waxayna dowladda Ruushku sheegtay in Maraykanku hortaagnaa in xal laga gaadho xaaladda dalka Suuriya.

Turkiga ayaa isku diyaarinaya inuu qaado howlgal ballaadhan oo ka dhaca bariga webiga Al-Furaat, kaas oo uu ku beegsanayo malleeshiyaadka Kurdiyiinta oo waayay saaxiib muhiim u ahaa oo ah Maraykanka

Advertisement

Ku Xayeysiiso