Booliska Morooko oo baadi goobaya Rag dil u geystay Dalxiisayaal reer Galbeed ah

Boliiska Dalka Morooko ayaa sheegay inay ku raad joogaan , Rag looga shakiyay in ay dileen Laba Gabdhood oo Dalxiisayaal ahaa, kana soo soo jeeda Waddamada Iskaandaneefiyaanka, markii ay Ciidanku qabteen Salaasadii Nin kale oo tuhmane ah, markii ay howlgal ka sameeyeen degaanka Marrakech.

Ninka la xidhay ayaa looga shakiyay inuu Gacan ka geystay dilka Laba Haween Dalxiisayaal ahaa, kuwaas oo kasoo kala jeeda Waddamada, Norway iyo Denmark, xilli ay ku sugnaayeen Buuraleyda Atlas, oo ay ka qawleystaan kooxo Hubeysan, sida uu xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Rabaat, sheegay Maanta.

Meydka Haweenkan, ayaa laga helay Isniintii aynu kasoo gudubnay, meel u dhow degaanka , Imlil, oo kaabiga ku haysa Toubkal, oo ah halka ay ku taallo Fikta ugu dheer Buuralayda Waqooyiga Afrika, halkaasoo ah meel si weyn loogu soo tamashle taga Caalamka.

Louisa Vesterager Jespersen,oo ah 24 jir kasoo jeedda Dalka Denmark iyo Maren Ueland , o ahayd 28 jir u dhalatay  Norway , ayaa lagu dilay meel aan cidi joogin, oo ay adag tahay in la gaadh, sida uu sheegay Af-hayeen u hadlay Boliiska Dalka Morooko oo lagu Magacaabo, Boubker  Sabik.

Mr; Sabik, ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii ay Cadaaladda ku hor geyn lahaayeen Saddex tuhmane oo qayb ka ahaa dilka Gabdhaha, kuwaasoo ay Ciidanku ku raadjoogan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso