19 Qof oo ku dhimatay shil Gaadhi oo ka dhacay Yugaandha

Ugu yaraan 19 Qof ayaa ku geeriyootay, Lix kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay shil Gaadhi oo ka dhacay degaanka Kapchorw, ee bariga Dalka Yugaandha, sida uu Wakaaladda wararka ee AFP u sheegay , Rogers Taitika, oo ka tirsan Saraakiisha Booliska.

Gaadhigan oo uu noociisu ahaa Bus, ayaa xilligaasi waday shaqaale ka tirsanaa hay’adaha aan Dowliga ahayn ee Maraykanka American NGO’s.

Shilkan ayaa loo aaneynayaa inuu sababay markii uu Gaadhigu ka lumiyay Kantaroolka, isla markaan uu ka baxay Waddada, sida ay Boolisku sheegeen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso