Wasiir Beyle oo ka qeyb galay Shir looga hadlayay sidii Deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira uga qeyb galay shir saddax geesood ah oo looga hadlayay sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wafdigiisa ayaa kulamo aan kala go’ laheyn la qaatay, Wafuud ka kala socotay Xoghaynta Jaamacadda Carabta, Ururyo Carbeed iyo Sanduuqa Horumarinta Carabta, waxaana kulamadan diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha Dibadda looga leeyahay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Digtoor Ahmed Abu Kheyd, isagoona kala hadlay sidii codsiga deyn cafinta ee Dowladda Soomaaliya loogu dari lahaa Ajandaha Shirka soo socda ee la qabanayo bisha foodda inagu soo haysa.

Digtoor Ahmed Abu Kheyd Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta aya aqbalay dalabka Wasiirka, isagoona Bogaadiyay Horumarada iyo Isbedelada ay dalka ku hoggaamiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre iyo sida Dowlada Soomaaliya ay kaga go’an tahay dowladda in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso