Madaxweynaha Suudaan oo booqday Suuriya 8-sano ka dib

Madaxweynaha dalka Suudaan Omar Hassan Al-Bashir ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horeeyay ee booqda magaalada Dimishiq ee daka Suuriya tan iyo markii uu dalkaasi ka bilowday dagaalada sokeeeye ku dhowaad 8-sano ka hor.

Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in Madaxweyne Al-Bashir si weyn loogu soo dhoweeyay Gegida Diyaaradaha ,isla markaana uu soo dhoweeyay Madaxweyne Bishaar al-Asad ka hor inta aysan labada madax u ambabixin qasriga Madaxtooyada.

Labada hoggaamiye waxa ay ka wadahadleen xidhiidhka labada dhinac,xaaladaha iyo rabshadaha ka dhexjira qaar ka mid ah dalalka Carabta,sida ay xaqiijisay Madaxtooyada Suuriya.

Madaxweyne Al-Bashir ayaa rajo ka muujiyay in sida ugu dhaqsaha badan uu u soo laaban doono kaalintii dalka Suuriya uu ku lahaa gobolka,wuxuuna xaqiijiyay dalkiisa in uu bixin doono taagero kasta oo muhiim u ah dalkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso