Maxaad ka taqanaa bangiga adunka iyo sida uu u shaqeeyo? (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Bangiga addunka (world Bank) waa haayada caalamiya oo qaabilsan arimaha maaliyadda kaas oo siiya wadamada addunka daymo(Loan)laguna fuliyo mashaariic horumarineed,waxaana lagu aasasay shirwaynihii la odhan jiray (Bretton Woods Conference) kaas oo la qabtay sanadii 1944,fadhigiisuna waa caasimada dalka MaraykankaWashington, D.C , Bankiga Aduunku wuxuu si caadi ah u shaqo bilaabay Juun 25 1946, wuxuuna amaahdii ugu horeeysay bixiyay May 9, 1947 taasi oo ahayd US$250 milyan amaahiyay wadanka Faransiiska si uu dib u dhis ugu sameeyo buburkii iyo dhaawicii wadankaas ka soo gaadhay Dagaalkii Labaad ee Aduunka.
Bangigaa addunka waxaa uu ka kooban yahay labada hayadood oo kala ah bangiga caalamiga ah ee dib udhiska iyo hurmarinta (International Bank for Reconstruction and Development) loona soo gabiyey (IBRD)kaas oo ka kooban 189 wadan iyo qaybta qaabilsan horumarinta caalamiga ah (International Development Association) loona soo gabiyey(IDA) taas oo xubno ka yihin173 wadan.
Wadamada bixiya lacagaha ugu badan ee uu ku hawl galo bangiga addunka waxaa ka mida U.S., U.K., France, Germany and Japan, sidoo kale waxaa la arkaa in madaxweynaha bangiga addunka uu inta badan ka yimaado wadamada bixiya hantida ugu badan
Maxay tahay shaqada uu qabto Bangiga addunka?
 La dagaalanka saboolnimada tusaale waxaa ah bangiga addunku wuxuu siyey November 2018 dalka India lacag dhan$859 million, sidoo kale dalka China isna bishan November 2018 wuxuu siyay $370 million lacagtaas oo ka dhigaysa wadamada ugu badnaa ee dayn ka qata world bank laguna dagaalamo saboolnimada
 Taageerida mashaaricda horimarineed ee wadamada awoododa dhaqaale dhexdhexadka tahay iyo kuwa ay awoodod dhaqaale hoosayso
 Siinta lacag dayna wadamada dhaqaalahoodu hooseyo si ay ugu fushadan masharicdooda
 Banggiga addunka wuxuu siiya wadamda dhaqaalahoodu soo korayo talooyin kor loogu qaadayo nidaamkooda dhaqaale iyo horumarineed ee dalalkaasi
 Bangiga addunka wuxuu mashaaric horumarineed oo dib u dhis kasameeya wadamada ay dhibatooyinku ku dhacaan sida dagaalada, abaaraha iyo masiibooyinka dabeeciga ah
 Banigiga addunku wuxuu taageero siiya ganacsiga gaarka loo leyahay ee bulshada isagoo siiyo fursado malgalineed oo kor loogu qaadayo awoododa dhaqaale lana yaraynaayo xadiga fiqiirnimada ee guud ahaan adduunyada ka jirta
Baniga adduunku marka uu bixinayo dhamaan mashaariicda horumarineed waxaa sal u ah in wadamada la siinaya ay yihiin kuwo ay hoosayso heerkoda musuq maasuq,isla mar ahaantana nidaamkooda xisaab celin uu yahay mid cad, wadamada dhiiri galiya ganacsiga xorta ah.
Ma jiraan mashaariic horumarineed oo world bank ka fuliyey Somaliland
 Mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawlada(Somaliland Civil Servant Reform project) kaas oo ay ku baxday lacag dhan $10Million, kaas oo lagu soo saaray tiro kor u dhaafaysa kun iyo dhawr boqol oo shaqaale aan jirin ah mushaharkoodana u xaadiri jireen cid kale
 Mashruuca bangiga addunka ee uu ka taageerayo Somaliland( Somaliland Puplic Financial Managmenr Reform) kaas oo jamacada hargeisa iyo khuburo kale ka caawiyaan nidaam waxbarasho oo xisaabadka CIFBA oo heer caalami ah
 Banigiga addunka wuxuu Somaliland 2017 ka taageeray mashruuc lagu maalgalinayay fikradaha ganacsi ee tolmoon (the Somali Business Catalytic Fund (SBCF), mashruucaas waxaa ka faa,iidaystay dad lagu qiyaasay 200 qof
Fiiro gaara: kumaan soo wada koobin mashaaricda uu bangiga addunku ka taageeray Somalaind

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University
mukhtarian.net@gmail.com 00252-634241542

Advertisement

Ku Xayeysiiso