Turkey : Burbur Tareen oo sababay dhimasho & dhaawacyo

Burbur uu sababay Tarteen kuwa dheereeya ah oo ka dhacay caasimadda Ankara ee dalka Turkiga ayaa dhaliyay dhimasho 4-ah iyo dhaawacyo gaadhaya dhowr iyo 40-tameeyo.

Badhasaabka Ankara Vasip Sahin.ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka ay ku guuleysteen daadgureynta dadkii dhaawacmay ,isla markaana loo qaaday cisbitaalada.

Shilkaan oo dhacay saaka ayaa wararka qaar ay sheegayaan in uu yimid ka dib markii Tareen kuwa dheereeya ah uu ku dhacay Taangi yar oo ah mishiinka tijaabada, kuna socday isla wadadaasi.

Waxaa durbaba la bilaabay baadhitaan ku saabsan  waxa sababay shilkaasi Tariin oo  ku socday gobolka Konya oo dhaca badhtamaha Turkiga.

Waxaa jira burbur soo gaadhay Gawaadhi ka ag dhawaa halkasi iyo dhismooyin

Advertisement

Ku Xayeysiiso