Khayraadka dunida laga waayey se inagu aynu haysanno Qore :Mohamed basher Hassan(ayman)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Soomaaliya waxay dhacdaa bariga fog ee qaaradda afrika taasoo u muuqaal eeg qaabka ay u samaysanyahay geeska wiyishu kaasoo ku badan qaaradda afrika sidaa daraadeed waxaa loogu magac daray geeska afrika. waxay soomaaliya ku fidsantahay inta u dhaxeysa loolka 10 waqooyi dhigta 49 bari. wuxuu gaarayaa bedka Soomaaliya 637,657 kiiloomitir iskuwareeg ah waxaa ka mid ah 10,320 kiiloomitir iskuwareeg ah waxay biyaha ka hayaan ilaa 1.6% ee bedeka guud ee dalka waxay waxyar uun ka yartahay gobolkaTexas ee maraykanka. Sidoo kale waxay Soomaaliya leedahay xuduud barri ah oo dhererkeedu gaarayo 2,340 km ee kala barta dhammaan Jabuuti masaafo dhan 58 kiiloometer,Itoobiya masaafo dhan 1,600 kiiloomiter iyoKiinya masaafo dhan 682 km, sidaa daraadeed Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer guud ahaan qaaradda Afrika, iyadoo gaareesya xeebta Soomaaliya dhererkeeda 3,025 kiiloomitir; dhul badeedka Soomaaliya wuxuu gaarayaa ilaa 200Mayl Bad gudaha Badweynta Hindiya(Wikipedia)

Horumaro Baaxad leh oo uu soo maray dalku sida koboca dhaqaale, warshado yar yar iyo wax soor gaaray heer ah in wax loo dhoofiyo dibada laakin aan badnayn sida Muuska iyo xoolaha nool,waxa waqti ka dib burburay ilihii dhaqaale ee dibada laga helijiray sidaan ka soo xigtay dad wakhtigaa soo gaadhay,maqaalo kale iyo dad khibrad kahaysta oo xiligaas soo gaadhay,Hadaba dalka somaliya waxa uu qani kayahay dhankasta bad iyo barrigaba,Dadkeena soomaaliyeed ma aysan ka faa’idaysan khayraadka ALLAH inugu manaystay.

Khayraadka badda iyo Khayraadka dhulka oo aan laga faa’idaysan waxay saamayn ku yeelatay bulshada kala duwan ee somalida iyo qaybaheeda.

Soomaaliya waxa ay bad ahaan leegtahay masaafo dhan 637, 657,246 2ookg  (xigasho buugta juqraafiga Somalia) waa dhul baaxad weyn kuna haboon beerasha dalagkasta oo aynu ubaahanahay,sidoo kale waxaa ALLAH inugu manaystay cimilo inoo saamaxaysa inaan wax beerano sanadka oo dhan.

sheikh musate ismail haarun(الله يخفظك) ayaan labo kalmadood oo qiimo leh oo aan ka dhagaystay yiri:(1:muslimiintii hore waxay ahayeen wax soosaar dadka ugu badan waxay kaloo ahayeen istihlaak dadka ugu yar,oo marka ay wax soo saarayaan wax tirobadan ayey soosaari jireen marka ay gaadho inlugu raaxaystana way iska ilaalinjireen lagayaabe inay aakhiro waydaariso 2:nin hal bil ah wax beerta ayaa doonaaya inuu wax kusiiyo caalamu islaami isna waxaa labeeran karaa 12 bilood  somaliyana waxay kujirtaa caalam islaami).

Soomaaliya waxaa ku duugan macdano kala duwan oo ALLAH inugu manaystay hadii lasoo saari lahaa dalkeenu waxa uu gaadhi lahaa heer inaga inaloo soo doonto shaqo,dhaqaale,iyo iwm.

hadba waxaa is waydiin leh yaa soosaari kara silooga faa’idaysto khayraadka badda iyo barriga? aniga waxay ilatahay inaan inagu lasoo bixi karno khayraadka ALLAH inugu manaystay.

Waxaa jirta dalkeena iyo dadkeenuba haduu taajiryahay,madaxwayne yahay iyo haduu faqiiryahayba inay isku wax kasimanyihiin taas oo ah soo dhoofsashada dharka(huga’),cunto,iyo dhammaan baahiyaha nolosha muu waayin ka taajirka ah iyo madaxduba inay halbuur sameeyaan si aynu wax badan uga kaaftoono.

sida inuu sameeyo dhisidda warshado yar yar,beero,iwm.

Hadii aynu xoolaheena tayo kufilan iyo dhiqid ku filanba siin lahayn waxaan gaari lahayn meel heer loo dhaafiyo caalamka waxaase aynu kaga kaaftoomilahayn caanaha dibada laga keeno sida boodhaha iyo maraaciga lakiinse waxaa is waydiinleh xoolaheena ma inagaan dankalahayn mise waa matar la’aan?

Soomaaliya.Khayraadka Badda ee aan laga faa’idaysan.

Soomaaliya waa wadan leh Badda ugu dheer Afrika, dherarka Badda Soomaaliya waxa uu gaarayaa 3,025  km, Somaaliya waxay leedahay labo Badood oo Kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya,Waxaa dhex ceegaaga Badda Soomaaliya kaluun aad utira badan oo noocyo badan leh iyo xayawaan baddeed kala duwan, sidaa si lamid waxaa la sheegaa in xeebaha soomaaliya ay ku jiraan shidaal tiro badan iyo macadano farabadan. Hadana waxaa jira dad badan oo iskudayey inay furtaan meelo kaluunka lugu qasacadeeyo ama warshado yar yar hadana may buuxin baahiyaha ummada somaliyeed ee dalka degen.

Nasiib darooyinka Dalkeena haysta waxaa ka mid ah in Soomaaliya kalluun loo soo dhoofsho iyadoo leh xeebta ugu dheer Afrika uguna khayraadka badan!!!. Khayraadka baddu waa nimcooyinka ugu balaaran ee allah inugu manaystay hadii ay samayn lahaayeen ganacsatada somaliyeed inay maalgaliyaan shirkado soo saara nimcooyinka badda ceegaaga sida kalluunka waxaaa dhicilahayd inaynu ka faa’idno dhaqaale farabadan.

Tala soo jeedin horumar waara! waxaa lugu gaaraa ka faa’idaysiga khayraadka ALLAH inugu manaystay.

Dad,diin,dhaqan suuban ALLAH inugu manaystay ayeynu nahay somaliyana waxay leedahay nimcooyin tiro badan, bad iyo barriba.

waxaan ku talin lahaa:

Ganacsatadu inay hantidooda u huraaan dalka iyo dadka maalgaliyaana ku sameeyaan waxkasta oo wax soo saar leh

Waxaynu leenahay ganacsato waawayn oo ALLAH risiq kumanaystay waxaan odhan lahaa ninkastoo ganacsade ah inuu dalka wax galiyo iyo dadkiisaba si aynu u horumarno oo aan ula tartanno caalamka oo dhan.

Waxaan se ka xumahay in uu dalkeenu kala fogaaday una qaybsamay dalal.lakiinse ma wiiqi karto horumarkeena iyo dadnimadeenaba waad aragteen oo maqasheen dalal badan oo kala go ay hadana se saaxiibo dhow ah oo iskaashi dhaqaale iyo waxtar ba ka dhaxeey.

waxaan taladayda iyo gunaanadkayga maqaalkan aan ku soo xiri lahaa somaliya maaha dal se waa dalal kala duwan waxay ka midaysanyihiin diinta dadnimada afka iyo ficilkaba aan u dhaqaaqno humarka dadkeena iyo dalalkeena aan iska ilowno oo iska dhaafno soonoqo hiif iyo haraan midnaba hadda inoo dan maaha waxaa inoo dan ah qofkasta meesha uu joogo inuu horumariyo

gunaanadka maqaalkan:

dalkan aan joogo ,dadwaynihiisa,shuyuukhdiisa,madaxdiisa,ganacsatadiisa,iyo hal abuurkiisaba ee sharafta leh inuu umadan wax tuso una horboodo horumarka si luugu daydo horumarkooda.

somaliland madaxwaynaheedu waxaa ka muuqata inuu yahay hogaamiye hal abuur leh waan kugu boorinlahaa,oo kugu dhiirigalin lahaa madaxwayne inaad horumarka noo horkacdo

 

 

waa billahi towfiiq

 

Halhaystaydu waa:

          Ka tallaabso seeraha, dhanka libinta soo aad

QORE:Mohamed basher Hassan(AYMAN)

Tell:063-6483645/065-9345261

Email:mobashiir23@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso