Qareenkii hore ee Madaxweyne Trump oo wajahaya xabsi

Michael Cohen  qareenkii hore ee Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald  Trump,ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah maxkamad federal ah lagu saaro deegaanka Manhattan ee magaalada New York.

Cohen, oo ahaa Qareenkii Trump u qaabilsanaa maalgalinta ololaha doorashooyinkii uu ku soo baxay ,ayaa bishii hore lagu helay dambiyo kala duwan..

Qareenkaasoo  52-sano jir ah ayaa lagu wadaa in maanta uu ka soo hor muuqdo maxkamad ku taalla deegaanka Manhatan,halkaas oo lagu dhageysan doono xukunkiisa.

Qareenkaasi ayaa gacan ka geystay baadhitaan socday muddooo lagu ogaanaayey in dalka Rashiya uu lug ku lahaa doorashooyinkii uu ku soo baxay Trump,inkasta oo uu been u sheegay xubnaha Aqalka  Kongreeska Mareykanka.

Waxaa laga yaabaa in Qareenkaasi lagu xukumo xabsi fudud,ka dib kaalintii uu ka qaatay soo ifbixii xog ku saabsaneyd eedeymo loo soo jeediyay Trump

Advertisement

Ku Xayeysiiso