Muuse Biixi Iyo Talada Dalka TII HORE AYAA DHAANTAY (Qaybtii 45aad) By Maxamed Xoosh

Maadaama Ay Yihiin Yahuudu Qawmiyad Soo Jireen Ah Oo Ay Ka Dhasheen Badanaa Nabiyadii Alle Soo Diray Sidaa Darteed Sooyaalka Taariikheed Ee Yahuuda Waa Mid Hodan Ah Oo Xikmado Badan Leh Sheeko Siyaasi Ah Oo Laga Soo Guuriyay Ayaa Sidan U Dhigan Oo Aan U Bixiyay Tii Hore Ayaa Dhaantay

Waxaa Qol Kuwada Noolaa Aabo Yahuudi Ah Iyo 10 Ubad Oo Dhalay Iyo Hooyadood

Aabahani Wuxuu Ka Caban Jiray Duruuf Nololeed Oo Adag Iyo Baahi Badan Taabatay

Maalintii Danbe Ayuu U Tegay Rabbi-gii Ama Xaakhaamkii ´Baadarigii` U Sareeyay Macbadka Yahuudiga Waxaanu U Sheegay Inuu Ka Cabaanyo Nolol Qalafsan Oo Cidhiidhi Ah Ee Ii Ducee Ama Talo Iyo Xal Isii

Baadarigii Baa Ka Meeraystay Maalmo Ugu Danbaytii Wuxuu U Dhiibay ORGAC Waxaanu Ku Yidhi QOLKA Ha Idinkula Noolaado Ninkii Aabaha Ahaa Ayaa Qolkii Keenay Orgacii Oo Kusii Daayay Qolkii Yaraa Oo Marka Hore 12 Qof Cidhiidhi Ku Ahaa

Orgacii Mar Uu Hirdiyo Alaabti Iyo Mar ku Saaloodo Ama Hambadda Oo Ku Dhex Cuno Qolka Cidhiidhi Iyo Khaati Ayay Istaageen Reerkii

Aabihii Ayaa Baadarigii Ku Noqday Oo Yidhi Waan Ku Baryayaaye Xal Ii Doon

Baadarigii Ayaa Ka Aamusay Dhawr Jeer Isna Soo Noqonaayay Mar Danbe Ayuu Ku Yidhi Orgicii Isoo Celi Oo Iska Tag

Mudo Ka Dib Baadarigii Arkay Aabihii Cidhiidhiga Ka Caban Jiray Iyo Iska Waran ?

Aabihii Ayaa Yidhi Waan Fiicanahay Qolkii Aniga Iyo Ubadkii Nafis Ayaanu Ku Noolnahay Orgacii Qayladiisii Iyo Uskagii Iyo Culayskuu Nagu Hayay Waanu Ka Raysanay Xaalkayagu Waa Nefis.

Madaxda Qaar Ayaa Dadka Inta Cidhiidhi La Galiyo Marka Danbe Dadku Yidhaahdaan Sidii Hore Ayaa Dhaantee Yaa Nagu Celiya

Waa Istaraatiijiyad Xukuumaduhu u Adeegsadaan Muwaadinka Dhiban

Markuu Xalka Biddo Xukuumad Iyana Ugu Jawaabto Xaalad Ka Sii Xun Tii Hore Si Uu Raadiyo Xaalad Nololeedkii Hore TII HORE AYAA DHAANTAY

Waa Dareen Shacbi Oo Dad Badani Ka Aaminsan Yihiin Muuse Biixi Anigu Se Ma Qabo Weli

Maxamed Xoosh

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso