Shirkaddaha Dahabshiil Group  oo Carwadii 8aad ee Ganacsiga Somaliland ku soo bandhigtay Adeegyada Kala duwan ee ay bixiso.


Shirkaddaha Dahabshiil Group ee Dahabshiil, Somtel, eDahab, Dahabshiil Bank, MicroDahab, Dahabshiil Motors iyo Hyundai ayaa Carwadii 8aad ee Ganacsiga Somaliland kusoo bandhigay adeegyadda kala duwan ee ay bixiyaan, iyagaoo halkaas kusoo bandhigay Qiimo-dhimis ay u sameeyeen Macaamiishooda, sidoo kale waxa ay kusoo bandhigeen Carwadda Adeeg-yo Cusub oo uu ka mid yahay DahabPay Portal oo ah adeeg Online ah, waxa sidoo kale Shirkadda Dahabshiil Motors kusoo bandhigtay Carwadda Gawaadhidda Hyundai oo Markii u horeysay Dalka La keeno.

Ugu horeyn waxa Furitaankii Munaasibadaas ka hadlay Maamule Ku-Xigeenka Dahabshiil Group Mudanne Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo Munaasibaddaas ka Sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ka soo qayb galka Carwadda Ganacsiga Somaliland Markii 8aad, waxaanu sheegay sidoo looga bartay Shirkaddu in ay garab istaagto ganacsatadda dalka kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn ba ay maantana mar kale carwadda ugu soo bandhigayaan adeegyo cusub.

Maamule Ku-Xigeenka ayaa tilmaamay faa’idooyinka Carwooyinku u leeyihiin Ganacsatada Dalka, isaga oo ku booriyay rugta ganacsiga in sanadadda dambe laga soo qayb galiyo Ganacsatda Wadamadda Jaarka iyo kuwa Caalamkaba.

Waxa iyaguna la hadlay warbaainta Masuuliyiinta Suuq geynta ee Shirkaddaha Dahabshiil, Somtel Dahabshiil Bank iyo Hyundai, oo ka hadlay adeegyadda ay u soo bandhigeen Macaashmiishoodda.

Ugu Horeyn  waxa Ka Hadlay Madaxa Suuq-Geynta Dahabshiil Bank Guuleed Faarax  Ibraahim waxana uu yidhi “Maanta Bartan Waxaanu Ku Soo Bandhigaynaa adeegyadda Dahabshiil Group guud ahaan,  Gaar ahan Dahabshiil Bank Oo Runti Lagu Yaqaano Adeegyo Casri ah, Oo La Jaan-Qaadayah Aduunka,  Anaga Oo Macaamisha Iyo Bulshada U Soo Bandhigaynah, Adeega Master Card-ka Oo Loo Furayo Dhamaan Macaamiisha Accounts ku leh Dahabshiil Bank iyo Macaamiisha Cusub ee Doonaysa in Account cusub loo furaba, waxana sidoo kale Macaamiisha isugu Xidhi doonaa Account koodda iyo adeegoodda eDahab.“

Waxa sidoo kale isna ka Hadlay munaasibadda Carwadda Ganacsigga Somaliland Madaxa Suuq-geynta Shirkadda Dahabshiil Eng. Sacad Muse Abdi waxana uu uu yidhi  “Waxaanu Dhamaan Ugu Busharaynaynaa macaamiisha Dahabshiil Guud Ahan Gaar ahan ganacsatadda dalka in aanu u soo bandhignay, adeeg cusub oo La yidha Dahab Pay Portal oo ah adeeg Online ah, kaasi oo  Ganacsatada waaweyn Iyo kuwa yar-yarba ka caawin Doona Hawl maalmeed-kooda Xisaabeed,  adeegan ayaa u sahlaya ganacsatadu in ay Online lacag ku xawilan karaan iyagoo xafiiskoodda jooga, sidoo  kale biilasha ku bixin karaan adeegga eDahab haduu yahay Qof iyo haduu yahay mid ganacsi, waxa sidoo kale adeegan ganacsatada ka caawinayaa in ay Account to Account ku wareejin karaan lacagaha  iyagoo sidoo kale ku maamuli kara mushaharaad ka Shaqaalaha isagoo hal mar u wada diri kaara, waxa sidoo kale uu adeegan leeyahay in aad ku bixin karto Kharashaadka iyadoo qofka xisaabiyaha ahi uu soo Initiate gareyn karo Kharashaka kadibana Maamulkiisu u Approve gareyn karo, ha ahaadaan qof, laba qof isagoo xafiiskiisa jooga ama safar ku jiraba, isla markaana macmiilka ay lacagtiisu ugu dhacdo adeegga eDahab.”

 

Hibo Warsame oo ah Madaxa Suuq-geynta Somtel ayaa iyaduna ka hadashay Munaasibadda Carwadda Somaliland, isla markaa Sheegtay in ay Macaiisha Somtel u Sameeyeen Qiima Dhimis gaadhaysa 50% ah.

“Waxyaabaha aanu Carwadda kusoo kordhinay waxa ka mid ah Xidhamadda Ardayga oo loogu talo galay ardayda, waxa uu ardaygu ku shuban karaa $2.5 waxana uu ku hadli karaa mudoo Hal usbuuc ah, waxa uu sidoo kale ku isticmaali karaa Internet-ka iyo SMS ka.

Waxa kale oo aanu soo kordhinay in Qiimo dhimis 25% ah loo sameeyay macaamiisha Biilasha iska bixinaya Munaasibadda carwadda awgeed, waxa sidoo kale 25% Qiimo dhimis loo sameeyay 4G MIFI marka aad iibsanayso.

Waxa sidoo kale macaamiisha ugu bushaaraynaynaa in 50% Qiimo dhimis loogu sameeyay Macaamiisha Gashanaysa adeega Internet ka cusub iyo sidoo kale Adeegga VOIP.”  Ayay kusoo gabogabaysay.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso