Musharaxa xisbiga haya talada Jamhuuriyadda Congo oo mar kale la saaray cunaqabateyn

Midowga Yurub ayaa cusbooneysiiyay cunaqabateynta ay kaga horjeedaan ninka loo xushay in uu baddalo madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Koongo oo la filayo in 23ka bishaan ay ka dhacaan dooorashooyin madaxtinimo.

Cunaqabateynta ay soo rogeen Midowga Yurub ayaa la tilmaamay in ay sameyn doonto xagga socdaalka iyo hantida oo la xayiro,iyadoo muddo sanad ah la kordhiyay cunaqabateynta looga horjeedo musharaxa xisbiga haya talada dalkaasi,kaas oo lagu magacaabo  Emmanuel Ramazani Shadary .

Wasiirada Arimaha Dibadda Midowga Yurub oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Brussels ee dalka Biljam ayaa sidoo kale sheegay in cunaqabateyntasi  lagu soo rogay 13-kale oo ruux,sida laga dhawaajiyay shalay oo Isniin aheyd..

Emmanuel Ramazani Shadary ayaa sanadkii tagey waxaa cunaqabateyn ku soo rogay Midowga Yurub ka dib markii lagu eedeeeyay in uu ku xadgudbay habkii doorashada,isla markaana uu fuliyay tallaabooyin uu ku hor istaagay  dad ka bannaan baxayey dib u dhaca lagu sameeyay doorashooyinkaasi.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso