Madaxweyne Macron oo si kulul uga jawaabay Qalalaasaha ka taagan dalkiisa

Emmanuel Macron Madaxweynaha wadanka Faransiiska  ayaa ka jawaabay qeylo dhaan ka soo yeedhay shacabka dalkaasi oo maalmahan dhigayay banaan baxyo rabshado wata,waxaa uu  ballan qaaday madaxweyne Macron  in uu mishaharka kordhin doono sidoo kalana canshuuta la dhimmi doono,si looga gudbo qalalaasaha ka jira dalkaasi.

Madaxweynaah Farasnsiiska Mr Macron ayaa wuxuu cambaareeyey qalalaasaha dalkiisa ka taagan,xili uu la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in Mushaarka lagu dari doono €100 laga bilaabo sanadka 2019-ka.

Emmanuel Macron wuxuu sheegay in meesha laga saarayo canshuurtii dadka danta yarta laga qaadi jiray,laakiise uu diiday in canshuurta dadka tujaarta ah sidii hore lagu soo celiyo.

Banaan baxyo rabshado wata oo ka socda dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay dad badan,boqolaal waa ay dhaawacmeen halka kuwo kalena xabsiyada ay u taxaabeen ciidamada ammaanka dalkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso