Daawo: Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md Saylici Oo Dib ugu soo laabtay Dalka Kana Waramay Waxa uu daarnaa Safarkiisu

Daawo: Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md Saylici Oo Dib ugu soo laabtay Dalka Kana Waramay Waxa uu daarnaa Safarkiisu

Hargeysa-10-12-1028-()-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdi uu hoggaaminaayo  ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo uu ugu maqnaa wadamada Ingiriiska iyo Belgium waxaana gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyay, Maayar ku xigeenka Caasimada, Wasiiro, Agaasimaha Madaxtooyada masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, madaxda-dhaqanka iyo siyaasiyiin.

 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa wadamada uu maray kula kulmay masuuliyiinta baarlamanka ee UK iyo Belguim, waxaanu kala hadlay cilaaqaadka ay wadamadaasi la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo qayb ka ahayd wafdiga madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegtay in baarlamanka Uk iyo ka guud ee midawga yurub-ba ay isla soo qaateen sidii loosii laban laabi lahaa xidhiidhka Somaliland iyo qaaradda yurub, sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud warsame Jaamac, maayar ku xigeenka Caasimada, Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo madaxweyne ku xigeenka ku soo dhaweeyey halkaasi.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo a waramaya midhaha socdaalkiisa qaarada yurub ayaa yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta dalka dib ugu soo laabto, waxaan socdaal shaqo ugu baxnay dalalka Ingiriiska iyo Belgium waxaanu halkaas nagu qaabilay masuuliyiin ka tirsan dawladahaas iyo xildhibaanadda baarlamaanka, waxaanu qoraal ugu gudbinay danahayagii, aad ayayna noosoo dhaweeyeen, waxa ay na tuseen waji wanaagsan oo aanu xidhiidh qoto dheer ku yeelan karno, waxaanu isla soo meel dhignay xidhiidh cusub oo dhex mara midawga yurub iyo Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

 

Socdaalkan madaxweyne ku-xigeenka ayaa noqonaya safarkiisii shaqo ee ugu horeeyay ee uu ugu baxo wadamada yurub tan iyo markii dib loogu doortay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso