Cudurka Daacuunka oo Shan Qof ku dilay Dalka Zimbabwe

Ugu yaraan Shan Qof oo isugu jira Carruur iyo Haween ayaa ku geeriyootay, Boqolaal kalena way la Il-daran yihiin, markii uu Cudurka Daacuunka ka dillaacay Dalka Zimbabwe, sida ay Al-Jaziira u sheegeen Dhaqaatiirta Dalkaasi.

Dhaqaatiirta ku sugan Magaalada Harare ee Dalka Zimbabwe ayaa ka deyriyay xaaladda Dadka uu soo ritay Cudurka Daacuunka, waxanay saluug ka muujiyeen sida ay Dowladdu u wajahaday xakamaynta Xanuunkan.

Laba Todobaad ka hor ayay ahayd markii uu Cudurkan Daacuunku Tobonaan Qof ku dilay Magaalada Caasimadda ah ee Harare

Advertisement

Ku Xayeysiiso