Madaxweyne ilaa shacab waxay jecel yihiin in sharciga lagu dhaqmo haddana

Madaxweyne ilaa shacab waxay jecel yihiin

      in sharciga lagu dhaqmo haddana ficil koodu

      waa qabyaalad…Q.1aad

Muwaadin waxaan idin la wadaagi doonaa taxane ka tarjumaya xaalada dhabta ah ee dalkeena.

Maqal kaygu waxuu ku daalay dhegaysiga wararka ee qabiilaysan,indhahay guna waxay ku indho daraan dareen akhriska saxaafadda ee qabiilaysan.

Sharcigu waa inuu sarreeyaa waa hal ku dheggii madaxweyne Muse goortii ololaha lagu jiray,dhawr jeer oo kalena waan ka maqlay khudbada hiisii danbe intuu kursiga ku fadhiyay mase iigama muuqato dhaqan kiisa hogaamineed.

Dalka ha loo sinnaado,caddaalada ha loo sinnaado waa erayada aan mar walba ka maqlo qaybaha kala duwan ee bulshada haddana odhaaha haasi waxay faruur xidh u yihiin tabasho qabiil.

Waxa haddaba isku kay haysta oo igu dhex tartamaya sharcigii iyo qabiil kii.Hirdanka iyo Gurxanka ay labadaasi madaxayga ku hayaan qiyaas ma leh.Waxaa gaarka iyo xumadu igu badataa marka qabiilku isa soo qayaxo ee uu sharciga darbad saami qaybsi ah oo kulul indhaha kaga dhufto sharciga.Dabeetana aniga oo daan daansan ayaan is-idhaa siidhiga afuuf balse dibnihii ayaa hadi kari waayay.Sharcigii ayaa isagoo asqaysan ku gabbaday kilin-killooyinka ilayn qabiilkii baa darbad kulul kaga soo saaray madaxiiye.Hareeraha ayuu sharcigii eegay waxuu arkay taageerayaashii oo sacab iyo sawaxan la garab taagan qabiilkii oo durbaanka ugu tumaaya saami qaybsi qabiil.Waar yaa alle yaqaan oo labadan qabiilka iyo sharciga mar uun madaxayga ka saara! Markaan dhego barjoobay ayaan cidla u baxay,geed galool ah ayaan hoos tiisa kadaloob saday,waxaan goostay bal horta ugu horayn inaan ka fogaado akhriska warsidayaasha(jariirada),dhegaysiga warfidiyaha(Radio) iyo daawashada baahiyaha muuqaalka-fog(Tv) si ay iigu suura gasho inaan naftayda la tashado oo sharciga iyo qabiilka igu dhex tartamaya go’aan uga gaadho,kuna dhaqmo ka ifka wax ii taraya, aakhirana cadaabta aan igu hogaaminayn.Waxaan hadba kuudadsado,jiifsado,istaago oo aan laban legdoodaba waxuu rabi i garansiiyay inaan sharciga qaato oo aan ku dhaqmo,qabiil kana ka qaato oo keliya abtirsiinta si loo garto caruurtayda halka ay ka soo jeedo.Anigoo nefisay oo hirdankii ka kabaxay madaxayga ayaan ku soo noqday magaalada.Makhaayad aan bunka ka cabo ayaan fadhiistay,dalbaday bunkii,inyar kadib waxa ila soo fadhiistay laba nin oo aanu saaxiib nahay,midi waa macalin ka dhiga jaamacada hargeysa,midina waa ganacsade…

La soco qaybaha danbe……

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

  

Advertisement

Ku Xayeysiiso