Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Musuq Ma Ka Jiraa Xukuumadan ? (Qaybtii 44aad) By Maxamed Xoosh

 

Ilaahay SWT Markuu Abuuray Bini-Aadamka Wuxuu Ku Dhex Beeray Shar Iyo Khayr Sidaa Awgeed Alle Ayaa Xisaabin Kara Ogna Waxa Laabbaha Ku Jira

 

Talow Muu Jiraa Musuq Lacageed Oo Ka Dhacay Madaxda Xukuumadan Jirta ?

 

Nin Aanu Macaarif Nahay Ka Hor Intaan La Magacaabin Wuxuu Nidar Ku Galay In Aanu Gafayn Ama Lacag Laٰaan Ka Tagayn Xilka Loo Dhiibo

Maalmahan Sawirkii Iga Qarsoonaa Ayaa Soo Baxay , Lama Yaabo Ninkaa Waayo “Muu Sheegan Inuu Daacad Yahay”
KUWA SHEEGTA IKHWAANKA SOMALILAND AYAA UGU MUSUQ BADAN DAACADNIMO KU CELCELIYA !

 

Ninkani Xilal Hore uu Qabtay Ayuu Wax La`aan Kaga Tegay Maanta Se Waxa u Caddaa Wadada uu Mari Doono

 

Musuqa Lacageed Ee Laga Galo Dalkan Waxa Jira Mid Aan Xisaabta Galin Oo Uu Masuulka Xilka Hayaa Isticmaalaayo Awoodaha Kursiga Ama Xilka Uu Hayo

 

Soomaalidu Waxay Dhaqan U Leedahay 
Inay Canaantaan Askariga Bilayska Ah Ee Dadku u Gartaan Shaah Ama Biil Reerka u Geeyo LAAKIIN Ninka Tuuga Ah Ee Magaca Somaliland Ku Xadaaya Waxa Loo Yaqaan 
Nin Ragga iyo MADAX La Xaasidaayo !!!

 

Aniga Oo Muwaadin Ah Iima Sinna Ninka Magaca Somaliland Ku Soo Qaatay Maalaayiin Dollar Iyo Ninka 25 Kun Dollar Musuqay Labaduba Waa Danbiilayaal Balse Wey Kala Weyn Yihiin Waxa Ka Sii Daran Ninka Bariis Dhacay Keenay Ee Xaaraanta Goor Kasta Iga Wacdiya !

Markaa Dalkan Yar Yaa u Cadow Ah Ma Dawladaha Jaarka Mise Ninka Isagoo Musuq Wadda Odhanaya MUCAARIDKAA CADOW AH

 

Jahligu Waa Mugdi Xumaha Isagaa Watta

 

Maxamed Xoosh

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso