Gebo-gabadii Guusha Hiil la Eeday Baa Jiray .


Nolosha reer miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo unkatay nolosha aadamuhu, Nin reer Caydaroosh ahaan jiray oo ku soo koray Gobolka Ogaadeeniya, ayaa u soo safray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Mar uu cago-gashi ka baayacayey meherad ka mid ahayd meheraddaha lagu iibiyo cago-gashiga oo ku yaalay suuqa waaheen, ayaa ugu jawaabay”, Ma caagan.

Ninkii reer miyiga ahaa oo farta ku tilmaamaya ayaa yidhi”, Ma’ya ee cago-gashigaas iga gad, ka dibna, Wiilkii oo cago-gashigii uu farta ku tilmaamayey kor u qaaday yidhi ”, Ma’kuwan baad sheegaysaa, Ninkii reer miyiga ahaa, ugu jawaabay”, Haa.

Markii uu iibsaday Cago-gashigaas ee uu xidhay, kuwii u xidhnaana uu halkii ku dhilliyey, isla markaana, markii uu u soo dhamaaday safarkii uu ku joogay magaalada, ayuu ka ambabaxay una socdaalay dhankaa iyo reerkiisii, isagoo hoggaaminaya awrkii uu ku soo safray oo uu ku raran yahay raashin, wakhti ay ammintu ahayd aroor hore oo qoraxdu liiqa ka soo baxaysay, jawiga cirkuna uu ku shaqlanaa daruuro, oo ay dhacaysay dabaylo goos-goos ah oo xanbaarasanaa neecow qabow oo ay naftaadu ku raaxaysanayso, indhahuna aanu ka daaleyn muuqaalka dhirta cagaaran ee ku yaala hawdka magaalada Hargeysa.

Ninkii reer miyiga ahaa markii uu maraayey meel u dhaweyd soohdinta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayey ka go’day kab ka mid ahayd cago-gashigii uu xidhnaa ee uu ka soo iibsaday Magaalada, waxaanu sudhay kabtii ka go’day ushii garabka u saarneyd, isagoo, kabna xidhan, midna tunka ku sita, ayey mar-labaad, ka go’day kabtii labaad ee uu xidhnaa, kabtii labaadna waxa uu sii dul-sudhay ushii garabka uu ku sitay.

Markii ninkii reer miyiga ahaa oo caggaagan uu soo gaadhay reerkiisii uu safarka kaga maqnaa dhawrka caanamaal, waxay arintaasi ku noqtay qoyskiisii mid lama filaan ah, odaygii reerka oo caggaan, waxaanay affadiisii weydiisay odaygii, ee maxaa ku caggo tiray?.

Waxaanu ugu jawaabay saygeedii ” , Markii aan magaalada aaday, waxaan ka soo iibsaday cago-gashi aan safarka ku soo galay, intii aan safarka ku soo jiray, ayey labadii kaboodba iga soo go’een, wallow wiilkii kabaha iga gadayey uu ii sheegay in ay yihiin caag, oo aanu khaladkaasi isagu lahayn, laakiinse, annigaa khaldanaa oo aan weydiinin, Kabbuhu waxay ka caagan yihiin?
.
Run ahaantii, waxaanu uga go’leeyahay, muu khaldaneyn hoggaamiyihii hore ee ku tuhunsanaa in uu leeyahay khibradda xirfadda qarsoon ee hoggaamiyenimo, isaga laftigiisana wax-baa seegay, laakiinse, waxa khaladkaasi lahaa taageerayaashiisii, taasoo sabab u ahayd, khaladkaasi farsamo ee dhacay, laba arimood oo kala ahaa.

Mid ka timid, dhinaca kala xulashada xirfadda tayada hoggaamineed ee ay lahaayeen musharaxiintii la tartamaysay iyo in aanay taageerayaashiisu marnaba aanay isweydiinin markii la baacsanayey, ka rida mooyaane, Ninkan maxaa lagu arkay ee lagu baacsanayaa?

Waayo, waxa jira mid ka mid ah hiilka, oo la yidhaahdo, Hiil la eeday, kaasoo ka turjumayey weedhii hal-ku dhaga u ahayd lib-gadkii sagootiga gebo-gabadii guusha, inkastoo, lib-gadku leeyahay xeer dhaqan oo lagu qaado, haddana, waxa ayaan darro ku ah, hoggaamiyaha ay ka siibtaan taageerayaasii uu ku gaadhay guushan uu ku naaloonayo.

Gebo-gabadii qormadaydan waxaan ugu hoggol tusaaleyn lahaa taageerayaas, hal-ku dhegan odhanaya, Inta aad ka tiiraanyoon lahaydeen samo-falkiinii dadkii idiinka abaalka daray, marka horeba fillo abaal ka darka.

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso