Mareykanka oo faah faahin ka bixiyay duqeymo lagu dilay Rag ka tirsan Alshabaab

War ka soo baxay taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay howlgalkii ugu dambeeyay oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab,kaasi oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka Owdheegle lagu dilay ilaa 4 ka tirsanaa maleeshiyaadka Alshabaab,kadib markii la beegsaday labo xarumood oo dadka shacabka ah ay baada kaga qaadi jireen.

Howlgalka oo ay si wada jir ah u qaadeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa dhacay xili habeen ah,waxaana Mareykanka uu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaadhay dad shacab ah.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in lagu burburiyay waxyoobo qarxo oo ay Alshabaab gawaadhi ay ku diyaariyeen.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay weerarada ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab.

Advertisement

Ku Xayeysiiso