Dowladda Itoobiya oo markii ugu horeysay dhoofinaysaa Shidaal

 Markii ugu horeysay ayaa dowladda Itoobiya waxaa ay isku diyaarinaysaa in ay shidaal dhoofiso,sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Macdanta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee Dalkaasi Itoobiya.

Itoobiya ayaa sheegtay soo saarista Shidaalka Deegaanka Soomaalida laga helay in lagu soo gabagabeeynaya saddex sano.

Qasala Tadese oo kamid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda Tamarta ee Dalkaasi Itoobiya ayaa sheegay in muddo 3 sano ah lagu soo geba gebeynayo qorshaha ku aadan diyaarinta hanaanka shidaal dhoofinta iyo soo saaristiisa.

Itoobiyaa ayaa sheegaysa in ay qodayso boqolaal ceel oo shidaal ah iyo in la fuliyo mashaariic waaweyn si loo helo fursad sahlaysa in dalka uu soo saaro shidaal,waxaana shidaalkaasi laga heley deegaanka Soomaalida,kadib markii bishii June ee sanadkan ay wasaaraddu sheegtay in keyd shidaal laga heley dhulka Soomaalida ee kuyaala Bariga Dalkasi Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Itoobiya Dr Abay Axmed ayaa laga soo xigtay isagoo shacabka ugu hambalyaynaya in dalkiisa uu soo saarayo 450 fuusto shidaal maalinkasta,sida laga soo xigtay warbaahinta Dalka Itoobiya.

Goobaha ilaa iyo haatan laga heley shidaalka waxaa kamid deegaanada Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella,laakiise dhulka Soomaalida ayaa ah halka haatan u diyaarsan soo saarista shidaalka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso