Diktaytar 20 Jirsaday Oo Caqabad Ku Ahaa In Ay Shacabka Puntland Xalaal Iyo Xornimo Wax U Doortaan Oo Dhamaaday 2019

xayndaab xiran oo aan cidkale imankarayn waa caburin dadweyne puntland waa in loo sinaado xukunkeeda siyaaso xor ah oo furan.NOMORE HAGBADLEY!

Burburkii dawladii dhexe ee soomaaliyeed,1991dii, mudo todobo sanadood kadib ayaa waxaa dhismay,deeganada Puntland maamul,loo wada dhamaa dhismihiisa dadka dagaankaas wada dagaa. hayeeshee markii dhidibada loo aasay 1998 waxaa madax weyne ka noqday Allaah ha u naxariistii Cabdullaahi yusuf axmed.

Markii sidii lagu heshiiyay sharciguna ahaa uu dhamaaday xiligiisii,wuu diiday in uu ka dago,wuuna sii waatay xukunkii si sharci daro ah.Sababta uugu waynayd marka laga soo tago damiciisii siyaasadeed ee uu rabay in uu isu keeno soomaaliya kana noqdo madaxweyne qaran oo dalkiisii nabad ku soo dabaala; waxay ahayd xeerkii hagbadleey ku heshiiyeen ee ka dhanka ahaa shacabka intiisa badan Puntland.

Wuxuu arkay hadii xeerku yahay xukun diktaytar oo hagbadley u xiran,asii ay tahay marwalbaba khiyaano,in uu isagu u hayo,oo uu qaato hagbada laba gacmood! hayeeshee kadib wuu ku wareejiyay,wareegii ninkii lahaa qaadashadeeda oo ahaa cade muuse. cade waxa uu damcay in uu Illaahay ha u naxariistee sidii cabdullaahi laba gacmood qaato,waase usuuro gali wayday. kadibna waxa uu ku wareejiyay Faroole, hayeeshee sina waa tijaabiyay waa u socon waysay in uu laba gacmood qaato oo loogu celiyo hagbada.

waxaa lasiiyay Gaas oo xaq u lahaa hagbad ahaan xiligaa! hadana hagbadii ayaa ku soo aaday xili geeska afrika uu ka dhamaaday dikteeytar. waxaana hada baraarugay shacabkii Puntland oo mudadaas dheer,koox xukunka maroorsatay ay hortaagnayd.

waxaana jirta mushkilada uugu wayni waa hantidii umada oo ay gacanta ku dhigeen kali,ilaa xiligaas oo ah mudo dheer,hantidaa iyo canshuurta shacabka puntland ayay uuga faa iidaystaan shacabka baahan. waayo dhaqaalihii iyo maamulkiiba iyaga haysta,shacabkana waxaa lagu gumaadaa canshuurtoodii iyo hantidii umda ka dhaxaysay puntland

Marwalba hagbadaleydu lacag ayay ku bixinayeen dadku leeyahay,waxay uugu yeereen doorasho,oo ah 66 xildhibaan oo ay iyagu soo qorteen,kadibna lacagbay u qaybiyaan ah codka sii hagbadlaha laguu sheegay magaciisa.Ninwalbaa arka in meesha aysan doorasho iyo wax u dhawtoona ka dhicin. mudadaas dheer waxa alaga dhaxlay hormar la aan iyo dib u dhac aad u balaaran.

Mudadaas dikteeytarku haystay Puntland,oo ah 20 sanadood,ilaa maanta waxay hor istaageen in xisbiyo la sameeyo,in shacabku wax doorto,in 66 xildhibaan laga baxo. Waxaana keenaya maskaxda kaligii taliska ah oo ah mid kooxyar uun uxiran talda dalka iyo hogaanka usareeya. shacabka Puntland waa cabursanyihiin mudo dheer waxaana laga horjoogsaday in ay doortaan hogaan wanaagsan rabitaankooda ku doortaan.

Maanta dalka waxaa ka jirta dawlad fadaraal ah oo xukunta si toos ah shacabka puntland,dawladnimada iyo qaranimada iyo nidaamka fadaraalkuna dunida iyo soomaaliyaba ma aqbalayo koox hab qawlaystanimo iyo kaligii talisnimo masiirka dawlad goboleed kamid ah fadaraalka xukun ku maroorsan kartaa.waana waajib saaran dawlada fadaraalka in ay dalka ka qabato qaswadayaasha uusan shacabku doonaynin.

shacabka Puntland waxay doonayaan isbadal dhab ah marnaba sina uma aqbalayaan rajimka kalitalis ee labaatan sanadood horfadhiya puntland,waxaa shacabku rabaan isbadal iyo hormar 2019.

Madaxweyne xilkiisii dhamaaday hadana ah musharaxa Cabdiwali cali gaas,waxaan u aragnaa in uu yahay nin qaswade ah oo dhibkii uu ku hayay fadaraalka hadana Puntland ku haya,waxaan haynaa docomintiyo cad oo ah xatooyo xoolo dadweyne oo ah ku tagri falid hantidii shacabka Puntland ee lagu aaminay.

Hadana waxa uu wadaa in uu dagaalo sokeeye oo lagu hoobto dhex dhigo shacabka Puntland, waxaana aragnaa durba kala qaybin beelaha dhexdooda ah iyo hurin colaadeed. hadii ay dawlada fadaraalka ahi qaadan waydo doorkeeda amaanka dalka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dalka oo dhan oo ay masuul katahay,waxaan ugudbinaynaa maxkamad caalamiya dr gaas.

100% boqolkiiba boqol shacabka puntland waxay taageer san yihiin soomaaliya oo hesha dawladnimo taam ah,waxay garabtaagan yihiin dawlada fadaraalka ah,waxaana ka go an isbadal dhab ah in uu ka dhaco Puntland doorasho xor ah,aan ahayn afduub iyo musuqmaasuq siday hore u ahaan jirtay. soomaaliya waa in ay kabaxdaa kaligii taliye shacabkuna waa in ay doortaan oo loo ogolaadaa si xor ah ninkay doonaan.

Axdi iyo balan waxaan ku galay in aanu maxkamad caalami ah soo saaraa dr gaas haduu faraha kala baxi waayo qaska uu ku hayo puntland iyo hanaanka doorashada.dhibka halkaa ka dhacana isagaa masuul ka ah maadaama uu iska horkeenayo beelaha puntland wada daga,arbushaadna uu ku hayo doorashada.cadaymo iyo xaqiiqooyin ayaan haynaa maqal iyo muuqaal iyo qoraal ka kooban lacagaha uu ku bixiyay arimahaas.

waxaana balan qaadaynaa in anaan daba galin oo dacwo furin haduu waantoobo taasi waa cadaalad xageena ah maxaayeelay anagoo dulmi diidayna suuro gal nagama aha in aan samayno anagu oo hore usii wadno dacwada.

Yuusuf Omar

Advertisement

Ku Xayeysiiso