Qatar oo ka baxeysa Ururka dhoofiya shidaalka ee OPEC

Qatar ayaa ka baxeysa ururka ay ku bohoobeen dalalka dhoofiya shidaalka ee OPEC ,sida ay ka dhawaajiyeen madax ka tirsan dalkaasi.

Wasiirka Tamarta ee dalka Qatar Saad Sherida al-Kaabi ayaa maanta shaaca ka qaaday qorshaha ka bixitaanka ururka OPEC oo la filayo in uu bilowdo bisha Janaayo ee sanadka soo socda .

Go’aanka looga baxayo ururka dhoofiya shidaalka ayaa yimid ka dib kolkii la tilmaamay in dalka Qatar uu dib u eegis ku sameynaayo doorka caalamiga ah ee kaga aadan kobcinta shidaalka iyo sidii loo sameyn lahaa Istaraatiijiyad fog oo soconeysa waqti dheer.

Ururkaan oo dhoofiya shidaalka ,waxa ay uu soo saaraa kala badh wax soo saarka saliidda dunida

Advertisement

Ku Xayeysiiso