Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Yaa Diidan Isbadalka Dhabta Ah (Qaybtii 42aad) By: Maxamed Xoosh

 

Siday 82 Xildhibaan Ugu Faraxsan Yihiin Dib u Dhaca Doorashooyinka Iyo Kufitaanka Hanaanka Dimuqraadiyadeed  Somaliland Ku Faanto

 

Waxa Jira Kooxo Diidan Isbadal Ka Dhaca Dalka Oo Ku Weynaaday Dawlad La,aan Ama Dawlad Liidata

 

Waxaa Ka Mid Ah Xisbiyadda Mucaarid Iyo Muxaafid Ma Jecla In Xisbiyo Cusub La Furo Iyagaa halis Ku Jira Inay Hadhaan u Badan Tahay

 

Koooxaha Ka Ganacsada Tacliinta Iyo Caafimaadka Soo Dhawayn Maayaan Dawlad Dhisata Dugsiya Iyo Dhakhtaro Bilaash Ah Oo Weliba Cashuur Ka Qaada …

 

Nimanka Dhulka Iyo Guryaha  Ka Ganacsadaa Dawlad Adag Dhib Ayay Ku Haysaa Qiimaha Hoos u Dhici Lahaa Dadweyne Badan Ayaa Iibsan Lahaa Dhul Ay Aqalo Ka Dhistaan  ….

 

 

Wadaadka Maxkamad Islaamiya Samaystay Ee Dhaxalka Xukuma Marka La Hoos Geeyo Garsoorka Ayaa Loo Yaabaa “Waxay Ogyihiin Dawlad La,aan”

 

 

Waxa Iyana Meesha Ku Jirta Ha’yadaha Dawlada “Bureaucracy ga” Oo Gaboobay Ku Dhex Milmay Danaystayaashii Wadanka Hantidiisa Maamusha Iyagana La Laaluusho, Shaqaaluhu Waxay U Baahan Yihiin In La Kordhiyo Aqoontooda Iyo In Loo Kordhiyo Musharka Ay Qaataan

 

 

Xukuumadaha Waxa u Yaal Isbadal Balaadhan Oo Qaadan Doona Sanado Faro Badan Oo Dhinac Wal Oo Dawladnimada Taaban Doona Si Loo Helo Dawladii Aanu Rabnay

 

 

Dadku Canaanta Ugu Badan Waxay Saarayaan Aduun Weynaha Oo Ay Ku Eedaynayaan Ictiraaf  La,aan Iyo Jamhuuriyada Somaliland Oo Buuxisay Shuruudii Laga Rabay Nidaam Dimuqraadi Casri Ah

Ma Jirto Dawlad Aan Isku Talo Galin Oo Horumar Gaadhay Oo Dawarsi Lagu Dhisay Marka Aad Wax Qabsato Ayay Dunidu Ku Soo Eegi Doontaa Waxna Kuugu Dari

 

 

Maxamed Xoosh

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso