Sikasta oo Biyaha Roobku Ubadanyihiin Waxba kama Baddalaan Biyaha badda. Komishanka Waa kuwii uun.

Sikasta oo Biyaha Roobku Ubadanyihiin Waxba kama Baddalaan Biyaha badda. Komishanka Waa kuwii uun.

Waxaan ereyokooban ka odhanayaa waxayaaba wiigan Bulshada ku oogay oo ah in ay komishanku Cilaamiyeen in doorashadii Dib udhacday . runahaantii komishankeenu iyagaa qayb ka ah in doorashadu dib udhacdo .marka ay leeyihiin 10bilood oo xidhiidha ayaa loobaahanyay miyaanay haysan wakhti ohre oo ay kaga baaraan dagaan dhamaanba waxyaabaha ay doorashada Golayaashu ubaahantay islamarkaana horena aya ushegeen in lagu qaban karo wakhtigaa sida ay xukuumaduba u sheegatay inay bixisay lacagtii qaybtooda doorashada. Dabacan xisbiyada iyo daneeyayaashuba ayaa isula meeldhigeen iyagoo qayb ka ahaa iyaga laftoodu .

Gudidida Doorasha somaliland waakuwii shalay ina soo maray eeaad ogayd inkastoo Bulshada iyo xukumaduba Cadaadis dheraada kaga imanayo ,hadana may ahayn kuwii maanta odhan lahaa waxaanu qaban kariwaynay Daoorshadii . waxay ka gaabiyeen Diwaangalintii iyo diyaarinta dhamaanba waxyaabaha doorshada looga baahnaa inay qabsoonto. iyadoo golayaasha qaar ay fadhiyeen 14 sano mudo kordhintooduna tahay tii shanaad ee lookordhiyo .

Runahaantii Somaliland waxaa indhaha Caalamka ku xidhayay oo ay usoojiidanasay waa qaab doorashada iyo nidaamka axsaabta iyo geedi socodka Dimuqraariyada tiina waxay ku sii dhacaysaa Jardheer oo halisgalin kara nidaamkaas . waxay ahayd hadii su aal la galiyay iyaga laftooda in ay iscasilaanba. waxaa kaloo mad madaw badani galin karaa shacabka oo rajo doorasho Qabay oo maanta rajobeel qarka usaaran.

Gaba gabadii Komishanku way ku hafteen hawlaha Doorasha Goloyaasha iyadoo loo nisbaynkaro in Xukuumadu Qaybwaynka tahay Dib udhaca doorashada Golayaasha Degaanka iyo wakiilada . manta

Waxaa garabtaala in Bulshadeenu maanta ay Dhex muquurteen kalaqayb sanaan badan iyo Xanaf badan Doodoorashooyinku sababeen . dhamaan dhinacyada ay khusayso doorashada waxaalooga baqahanyaya in ay somaliland dhag xumada ka ilaaliyaan shacabkana aanay galin tashuush mar labaad oo aan laga soo waaqasankarin . sikastoo aadueegtana waxaad moodaa in aynaan waligeen kailbaxay waxaabahan is barakan Bulshahaan iyo dawlad ahaan ba. Waan koobayaa wakhtigoo iyguyar awgeed . wa bialaahi tawfiiq

W/Q : Abdrashiid Aw muuse Aadan …. rashaad0@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso