Madaxweynihii hore ee Mareykanka George Herbert Walker Bush oo ku dhintay da’da 94

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George Herbert Walker Bush oo da’diisu ahayd 94-sano jir ayaa habeenimadii xalay ku dhintay dalkaasi,ka dib markii muddo sided bilood ka hor ay sidoo kale dhimatay xaskiisii , Barbara Bush.

George W Bush oo ah wiilka uu dhalay ayaa xaqiijiyay geerida aabihii oo sanadihii u dhexeeyay 1989 to 1993, soo qabtay xilka madaxtinimo ee dalka Mareykanka.

Bush ayaa ahaa Madaxweynihii 41-aad ,waxaa xilka kala wareegay Bill Clinton halka sided sano ka dib uu xilkaasi qabtay wiil uu dhalay .

George Herbert Walker Bush,waxa uu soo qabtay xilal kala duwan sida maamulaha CIA,xubin ka mid ah kongereyska Texas iyo madaxweyne ku xigeenkii Ronald Reagan,isagoo sanadkii 1991 ka dambeeyay dagaalkii gacanka ee lagu qaaday dalka Ciraaq.

Waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee ku dhinta da’da 94-sano jir,wuxuuna ka soo jeeda qoyskii labaad ee wiil iyo aabihii ay qabtaan xilkaasi marka laga yimaado Madaxweyne John Adams sanadkii1797-1801.

Advertisement

Ku Xayeysiiso