Madaxweyne Muse Biixi waa inuu kala diraa Golaha wakiilada hussein Badmah

 Madaxweyne Muse waa inuu kala diraa Golaha 

           Wakiilada

Kala dirida G/wakiilada marka horaba dastuurka wuu adkeeyay,waxaanad moodaa sababta wakiiladu kursiga ugu sii jacayl fadhiyaan inuu qodobka 56aad ee dastuurku dhiiri gelin siiyay.Hadaba waxa fursad siinaya madaxweynahu inuu kala diro G/wakiilada waa firqada 4aad ee isla qodobkaa 56aad oo sidan u dhigan:

4.            Golaha Wakiilada waxa kale oo kala diri kara Madaxweynaha, ka dib marka uu dadweynuhu sababaha uu ku dhisay kala diridooda ku oggolaado Afti-qaran oo ay qaban-qaabiso Maxkamadda Dastuuriga ahi.

Waxa se loo baahan yahay maxkamada dastuuriga ahi inay qaban qaabiso afti qaran,soona saartaa qaraar lagu kala dirayo kadibna madaxweynahu degreeto ku kala diro.

Sababaha loo kala dirayaana waa:

1.Wakiilada oo khatar ku haya diinta iyo dastuurka ayagoo

   adeegsanaya ansixinta xeerar duminaaya hab dhaqanka

   axkaamta shareecada sida xeerka kufsiga iyo xeerar ka 

   hor imanaya qodobada dastuuriga ah ee muwaadinka 

   siinaya xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah(Qodobada

   24aad,ilaa 30aad iyo 32aad), dhamaan qodobadan ayuu ka

   hor imanayaa xeerka boliska ee ay G/wakiiladu maanta

  ansaxiyeen sidaa darteed waxay G/wakiiladu duminayaan

  dastuurka.

2.G/wakiiladu waxay ku fadhiyaan kuraasta muddo kordhin

   ku salaysan heshiis xisbiyadu isla qaateen oo aan dastuuri 

   ahayn,lidna ku ah qodobkan 42aad frq.1aad ee muddo xilood 

   kooda oo sidan u dhigan:

 QODOBKA 42AAD

MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA

 

1.            Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go’aamada doorashada.

Hadaba markaynu eegno arrimahan ay ku dhaqmayaan G/wakiiladu dhamaan waxay leexiyeen ku dhaqanka dimuqraadi yada aynu duc duucayno kobcin teeda iyo dumista dastuurka.Waxaanay dalka ku noqdeen caqabada ugu culus ee ragaadisay hana qaadka dawladnimo.

Markaa sababo kale oo maanta loogu kordhiyaaba waxay ka hor imana yaan isla qodobkan 42aad frq.3aad oo sidan u dhigan:

3.            Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukummaddu sidaa soo jeediyo.

Mar hadii dastuurka ay sidaa ugu cadahay oo aanay dalka ka jirin sababaha firqadan 3aad ku qeexani qiil kale iyo heshiis kale oo loogu kordhiyaa muddo xileedka G/wakiilada waa sharci darro lagu burburinaayo dastuurka.Sidaa darteed waxa dastuurku inoo baneeyay laba talaabo:

a)In la kala diro G/wakiilada oo ay ka hawl galaan maxkamada

   dastuuriga ah iyo Madaxweynahu.

 b)In Madaxweynahu ku dhawaaqaa goorta ay doorashada

    G/wakiiladu qabsoomayso bil ka hor dhamaadka muddo 

    xileed kooda,sida isla qodobkan 42aad frq.2aad ku qeexan:

 2.            Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhammaadka muddada Golaha hore.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraal kan,maadaama aynu nahay dal yar oo dawlad nimadeenu korayso,baadi goobna ugu jirno aqoonsi waa in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ay ku dhaqmaan dastuurka lagana gudbo hab kasta oo carqalad ku ah dastuurka iyo taabo galka hab dawladnimo.Si aynu uga baxno khilaafaadka curiya inay mar walba doorashooyinku dib u dhacaan waa inaynu xoojinaa ku dhaqanka dastuurka,haatana 2daa talaabo a iyo b ee aan kor ku xusay dastuurkuna inoo baneeyay mid kood lagu dhiiradaa si aynu u soo af jarno dib u dhac danbe oo ku yimaada doorashooyinka.

Allaa Mahad Leh

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso