Suudaan oo sheegtay inay Dalka kusoo laabteen Kumanaan Qof oo horay ugu qaxay Daarfuur

Qaar ka mid ah152,000 oo Qaxooti ah ayaa kusoo laabtay Tuulooyin ku yaalla Waqooyi Galbeed  ee Dalka Suudaan, sida uu Wakaaladda wararka ee SUNA u sheegay , Mohamed Abad Samouh oo ah Guddoomiyaha Gobolka Daarfuur ee Dalka Suudaan.

Guddoomiye , Mohamed Abad Samouh, ayaa sidoo kale sheegay inay dedaallada lagu soo celinayo Dadkan iska kaashadeen hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa shisheeye, waxaana taasi gacan ka siineysa Dowladda hoose ee Waqooyiga Gobolka Daarfuur.

Tirada guud ee Dadka imminka kusoo laabtay Gobolka Daarfuur ee Dalka Suudaan ayaa ah 327,000, Qof.

Dadkan ayaa intooda badan ka barakacay dagaallo qadhaadh oo 2003 ka dhacay Gobolka Daarfuur, kuwaas oo u dhexeeyay xukuumadda Khartuum iyo Saddex Jabhadood oo dhaqdhaqaaqyo Hubeysan ka waday halkaas.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay inay rabshadahaasi ku dhinteen in ka badan 300,000 Qof, halka 2.5 Milyanna ay ku barakaceen, balse Dowladda Suudaan ayaa tiradaasi diidday, iyadoo ku sheegtay Dadka halkaasi ku geeriyooday inaysan ka badnayn 10,000.

Advertisement

Ku Xayeysiiso