Mareykanka:Xaakim hor istaagay amarka Trump ee lagu joojinaayo qaxootiga

Xaakim Federaal ah ayaa  hor istaagay amar uu soo saaray Madaxweyne Trump ee uu ku diidan yahay dadka qaxootiga ah ee sida sharci darada ah ugu soo gudbaya xadka dalka Mareykanka.

Jon Tigar oo ah Xaakim heer degmo ah oo ka socda  San Francisco ayaa soo saaray amar si ku meel gaadh ah loogu xakameynayo qorshaha Trump.ka dib kolkii uu dhageystay doodo ay soo gudbiyeen kooxo u dhaqaaqa xuquuqul aadanaha.

Mr Trump ayaa horaantii bishaan saxiixay amar uu kaga jawaabayo dadka hayaamaya ee ku soo socday xadka Mareykanka.

Dadka Qaxootiga ah oo 13-kii bishii oktoobar ka yimid dalka Hunduras,waxa ay soo mareen dalalka Guwatamaala iyo Meksiko ,iyagoo gaadhaya dhowr kun oo magangalyo doon ah,waxaana la tilmamay in dadkaasi  ay markii hore ahaayeen kun ruux balse ay ku soo biireen kuwo kale.

Advertisement

Ku Xayeysiiso