“Faratoon, Waxan Ku Xasuusan Doonaa oo aanan Ilaawi Karin Siduu Ii Bisleeyey”

“Faratoon, Waxan Ku Xasuusan Doonaa Inuu I Baray In Dawladnimadu Tahay Kala Dambayn & Kala Amar qaadasho, Waxanan Ilaawi Karin Siduu Ii Bisleeyey”

Masuuliyiinta Cusub ee Wasaaradda Waxbarshada Somaliland oo Xilka la Wareegay iyo kelmadii uu ka yidhi Afhayeenka wasaaradda waxbarashada

Hargeysa(ToggaHerer):- Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland iyo weliba Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas oo saddexdoodaba uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay, ayaa Sabtidii dorraad si rasmi ah xilkii ugala wareegay Dhiggoodii hore oo Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibedda loo kala beddelay.

Munaasibadan oo ka qabsoontay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee magaalada Hargeysa, ayey ka qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan oo Laamaha Dawladda iyo Hay’ado kale-ba ka tirsan.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Axmed Muuse Muraad oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warramay waxyaabaha uu ku xasuusan doono wasiirkii hore ee waxbarashada haatana ah wasiirka arrimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) “waxa anigu xasuustaa wasiirkaa maanta naga tagaya ee Prof. Yaasiin mudadii koobnayd ee toddobada bilood ahayd ee aan la shaqeeyey in uu ahaa nin sharaf leh, taasoo aan illaahay hortii la tagayo”. Sidaas ayuu yidhi agaasimaha waaxda taclinta sare ee wasaaradda waxbarashada Axmed Muuse Muraad.

Afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warramay wadashaqayntii wasiir faratoon ka dhaxaysay wasaarada iyo sooyaalkiisii siyaasadeed

“Xukuumaddii u horeysay ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali waxaa uu Prof. Yaasiin ka soo qabtay xilka badhasaabka gobolka Sool, xukuumaddii madaxweyne Cigaal waxa uu ka noqday wasiirka caafimaadka sidoo kale muddo shan sanno ah ayuu kamid ahaa xubnaha golaha wakiillada Somaliland, waxana uu ahaa raggii dastuurka dalka salka u dhigay , Madaxweyne Rayaale Xukuumadiisii waxa uu ka noqday wasiiru dawlaha dib u dejinta. Xukuumaddii hore ee madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaa uu iyadana ka noqday wasiirka arrimaha gudaha. Xukuumaddana waxa uu ka noqday wasiirka waxbarashada oo uu maanta xilkeeda wareejinayo iyo wasiirka arrimaha dibada oo iyadana loo magacaabay. Intaas oo xil ayaanu qaranka kasoo qabtay.”.

“Prof. Yaasiin waxyaabo badan baanu ku xasuusan doonaa oo muhiim ah, tusaale ahaan waxaa ka mid ah waxyaabaha aanu ku xasuusan doono inuu anigana nidaamka dawladnimada I baray Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) taasoo aan aad iyo aad mahad ugu hayo, inay dawladnimadu tahay kala dambayn, ismaqal iyo is xilqaan. Waxaanan ilaawi Karin in uu aad ii bisleeyey marka laga hadlayo nidaamka dawladnimada oo maalinba maalinta ka dambaysa aan ka korodhsanayay waayo aragnimo”. Ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo saynisku Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu intaa ku ladhay “xil wareejintan maanta aynu u fadhino ee ay xilka kulak ala wareegayaan wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon iyo wasiirka cusub ee waxbarashada Cismaan Aadan Jaamac oo labadooduba isku galaas ahaa xilligii waxbarashada, taasoo aad dareemayso in madaxweynaha JSL uu siyaasiyan xulayo rag adag, Faratoon waxa loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibada iyada oo xilligan aynu ognahay waayaha Somaliland ku gedaaman. Waxaanan odhan karaa xilliyada sidan oo kale ah waxaa geella loogu heesaa; ceelalyada hore ciidan adag iyo cid ma ku lahayd ’. Markaa waxa lagu aaminaa rag shubi yaqaanna darka. Markaa annaguna waxaanu leennahay waxbarasho ahaan wasiir Cismaan soo dhawaw, wasiir yaasiiina xilka ilaahay hakugu asturo”.

.

Agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada oo isagu xilka wareejinayay oo isna Prof. Xareed oo isna madasha ka hadlay ayaa ka warramay waxyaabihii u qabsoomay intii uu wasaaradda, “wasaaradda intaan joogay koley aqoon korodhsi bay ii ahayd baylahda waxbarashada Somaliland iyo baahiyaha dugsiyadu haddana komishanka tacliinta sare ee aan tagayo waxaan rajaynayaa inaan ka korodhsan doono qaybtii ii dhinnayd ee tacliinta sare”.

hadalkan afhayeenka ayaa meesha ka saaraya hadal hayn muddooyinkii u. dambeeyey suuqa laysla dhex marayay oo sheegayay in uu jiray khilaaf u dhexeeyey wasiir Faratoon iyo afhayeen Cabdillaahi, hase yeeshee waxa taas badalkeeda ay Tiraabtan Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan ka marag furaysaa in uu jiro bisayl siyaasadadeed oo masuuliyada qaranku ku farayso inaad ka marag kacso, iyo in kala duwanaansho dhinaca fikirka siyaasiga ahi aanu saamayn ku yeelanin waajibaadka bulshada aad u qaabilsan tahay .

Advertisement

Ku Xayeysiiso