Tirsiga Somaaliga Q.3aad

Tirsiga Somaaliga Q.3aad
Maalmaha iyo waqtiyada kala gedisan ee somaliada.
Sooroga / Sabti
2. Koobin / Axad
3. Laamin / Isniin
4. Lamatako / Salaasa
5. Koodaar / Arbaca
6. Hakis / Khamiis
7. Hakis-bila / Jimce
Sidoo kale waxa jira waqtiyo kooban, sida maalinta qaybeheeda iyo habeenka qaybihiisa, soomaalidu waxa ay lahaayeen af garad ay waqtiga ku xisaabsan jireen maalinta iyo habeenka waxana ka mid ah kuwan soo socda:
Caano-maal:  waana inta xoolaha lagaga soo  maalo caanaha waana 12 saacadood.
Maalintu waxay u kala baxdaa:-
 (Galin hore iyo galin danbe.)
Galinka hore waxa uu usii qaybsamaa:-
1. Arooryo
2. Barqo yar
3. Xigsiin
4. Barqo kulul
5. hadhsoo kor
6. Hadh gal.
Galinka danbe waxa loo qaybiyaa:-
1. Duhur
2. Casar dheer
3. Casar gaaban.
Habeenkana isna waxa uu ukala baxaa:-  galin hor iyo galin danbe.
Galinka hore ee habeenkii waa sidan:-
1. Fiid
2. Caweys
3. Saqdhexe.
Galinka danbe ee habeenkii waa sidan:-
1. saq dhexe
2. hiraab
3. jiidh
4. waabari
5. aroor hore.
Sidoo kale waxay soomaalidu utaqaana afgarad kale, marka laga hadlayo ayaamaha laguna sheego sidan:-
1. Dorraad
2. Shalay
3. Maanta
4. Berri
5. Sahan danbe
6. Saakuun.
Hadaba waxa jirta in ay soomaalidu utaqaan, magacyo gooniya xilliyada la socdaalo, waxana kamida kuwan:-
Dheelmasho: Dheelmashadu waa marka lasocdaalo xilli kulul oo cadceedu soo jeedo sida duhurka oo kale.
Jarmaad: jarmaadku waa marka la socdo xilliga uu waagu soo baryayo ama aroorta hore.
Caraabe: caraabe waxa layidhaahdaa marka qof casarka dheer socdaalo, ayaa layidhahdaa hebel wuu caraabay.
Guurayn: gureeyntu waa socodka la galo xilli ayna soo jeedin cadceedu oo waa habeenkii.
Qoraa. AHMED MUUSE
Lasoco qaybta 4.aad

Advertisement

Ku Xayeysiiso