Sababaha Laysugu Khilaafay Xuska Dhalashada Nebiga scw. Qalinkii: sadam osman kaabash.

Salafi iyo Ashcari  waa laba koox diimeed oo caan ka ah geyigan Somalida. Waxay isku hayaan aa`raa “muctaqadaata” oo ku sal leh fahanka diinta iy fasirka Tawxiidka. Aan soo qaato labada mad-hab ee Salafi iyo Ashcari, waa laba koox diimeed oo aad isugu haya iskuna khilaaafsan fasiraadda Tawxiidka sida sharraxaadda ay saaraan odhaahaha  ku soo aroora Quraanka iyo Axaadiista Suubbanaheenna Mohamed SCW ee ay ka mid ka yihiin sifooyinka Quraanka ku soo aroora sida; Wejiga Alle, Gacmaha Alle, Raalli ahaanshaha  Alle, Magacyadiisa, Jacaylaka Alle, Cadhada Alle iyo sifooyin dhawro oo kale.sidoo kale, labadan kooxood waxay aad ugu muransanyihiin kelmadda tawxiid iyo qaybaheeda. Koox wal baa ba waxay saartaa fasir u gaara oo ay ka soo xigtaan culimo-aw diinkoodii laga soo bilaabo Qarnigii saddexaad ilaa Sannadkan aan joogno. Labadan koox diimeed waxay is gaadhsiiyaan ilaa her gaalnimo oo badheedha iyagoo masaajiddada kaga khud beeya, iyagoo daliil Aayado ah iyo Axaadiisa adeegsanaya. Waxaa  ka dhaxaysa muran diimeed oo soo jireen ahaa. Koox  waliba waxay leedahay kitaabo iyo shuyuukh ay ku faanaan. Sidaa liddigeeda kooxna kooxda kale uma aqoonsana Ahlu-Sunne, ee waxay isugu yeedhaan Ahlu-Bidac lunsan oo naxariista Alle ka fog. Masaajiddadu waa u kale soocan yihiin oo is kuma haba yaamaan.

 

Mawliidku waxa uu ka mid yahay wax yaa baha aad u waaweyn ee ay isku hayaan Salafiga iyo Ashcariga Somaliyeed. Salafiyadu waxay aaminsantahay in Nebiga oo loo dabbaal degaa tahay xaaraan iyo bidac looma dhoowaadaana. Waxay aaminsanyihiin in laqaaado heeso ka soo horjeeda astaanta Nebinimada oo sababaysa in Nebi Mohamed loo sheego inuu leeyahay xaqqii Alle gaarka u lahaa. Waxay aamin san yihin in buunbuunin iyo been abuur ku jiro Mawliidka Qasaa`idka la akhriyo. Sidoo kale, Salafiya waxa ay kaga duwanyihiin Ashcariya iyaga oo aan inta badan adeegsan tusbaxa. Halkii ay kaga wardiyi lahayeena ay u khayr badantahay in ay adeegsadaan xubnaha farahooda. Laakiinse, Ashcariya waxa ay si kal iyo laaba ua deegsadaan tusbaxyad. Markastana waxaad arkaysaa iyaga oo salliga nebiga iyo digrigaAlle afka ku haaya. Kale duwanaansha waxaa ugu horreeya kitaabada ay qoreen culimaa’u salafiya dhammaantood waa qaar  xaaraantinnimaynaya mawliidka.

 

Ashcariya, waa koox  iyana aad u mayal adag oo ku faanta kuna dhaqanta qabashada Mawliidka. Waxa uu aaminsanyahay Ashcari kasta oo kitaab loogu dhigaa culimadoodii horena u dejisay sida Mawliidka iyo Qasaa`idkiisa u akhriyaan. Waxay u diyaar garoobaan oo ku xisaabtamaan qabashada xaflado waaweyn oo daafaha caalamka ka dhaca looguna talo galay weynaynta Maalinta Dhalashada Rasuulka scw. Waxay leeyihiin kitaabbo ka duwan  kuwa Salafiyada marka laga yimaado Quraanka iyo Axaadiista. Fasirka Tawxiidka aad bay isu gu khilaafsanyihiin waana mesha  ay is ku gaalaysiiyaan Ashcariya iyo Salafiya. 

Salafiya iyo Ashcariya waxay kale sitaan laba mad-hab oo ay ka soo kale barteen waddamada carabta. Salfiya waxay sidataa mad-habka xagga Tawxiidka sharraxa ee Mohamed Ibnu CabdiWahaab hal ka Ascariya ay sitaan mad-hab liddi ku ah kaas Mohamed Ibnu CabdiWahaab waxaanay u yaqaanaan Bidac iyo gaalnimo.  

 

Labadan mad-hab waxay diidan yihiin in gaaladu ku dhex jiraan ama xukumaan dhul Somaliyeed. Labadan mad-hab waxay xalaashadeen daadinta dhiig ummadeed.  Aan soo qaato taariikhda dhiig daadinta ee Ashcariya; Sayid Mohamed Cabdulle  Xasan waxa uu ahaa  wadaad Saalixi-Qaadri ah oo mad-habka Saalixiga ka soo waariday Sudan iyo Masar. Markii uu waddanka ku soo laabtay waxa uu abaabulay dagaallo uu kaga soo horjeedo Gumaystihii Ingriiska. Dagaalo badan buu ku qaaday, xoolo badan buu ku dhacay, dhul badana wuu ka kiciyey Ingriiskii. Balse waxa uu xalaashaday dhiigii iy xoolihii Somalidii waddanka ku noolay isagoo mar marsiinyo ka dhiganaaya Ingiriis baa la dagan tihiin, la dagaalami waydeen iyo garab baa noo noqon way deen. Sababtaas Sayidku waxa uu ku dhacay xoolo badan waxa uu ku xalaalaystay dillidda  nafo badan oo Somaliyeed. Waxaana uu ahaa wadaadkii ugu horreeyey geyiga somalida qori diimeed layimid. Taasina waa mid-haha madhabkii uu ka soo waariday carabta.

 

Mad-habka Salafiya is na waxa laga so waariday waddanka Sucuudiga waana fahanka diinta gaar ahaan fahanka Tawxiidka iyo siday u fasiraan culimda Sucuudiga kuwii hore iyo  kuwa casrigan nooli. Iyaguna waxay ay sameeyeen gabood fallo lagu laynayo dad Somaaliyeed oo gaalo dhex joogto. Iyaguna waxay la dagaalamaan gaalada uurka iyo qalbigana way ka necebyihiin. Waxayna xalaashadaan in Somaliga ku dhex nool meel gaal joogo is na waajib tahay in la raaciyo si gaalka loo khaarajiyo. Walaw qoraayada qaar ay xusaan in salafiyadu tahay saddex qaybood. Kaw,  qayb aaminsan dawladaha dimiquraadiga oo sharciyan la shaqaysta diintana ku dhex faafiya wax dhibana aan u arkin (waxaa kamid ah kooxd Ictisaam). Laba, qayb diinta ku adag oo niyad ahaan aan ku kalsoonayn dawladda maamusha laakiinse naawilaya maalin maanta dhaanta oo diinta laysku xukumo(sida salafiyada caanka ka ah Hargeisa). Saddex, kooxda saddexaad oo ah koox mintid ku ah diinta islaamka jecelna in qori caaradii dulmiga iyo sharciga gaalada lagu suuliyo(sida Daacish, Bokoxaraam iyo Alshabaab).

 

Isku soo wada duuboo labadan mad-hab waxay dhulka Somalida ku hayaan muran diimeed, is fahan la`aan siyaasadeed, tafaraaruq umadeed iyo kale jiidashada jiilka soo koraaya oo ay ku abuuraan mixnad iyo cadaawadtinnimo ay isu hayaan iyaga dhexdoodu.

 

 

 

Sadam osman kaabash

Hargeisa, Somaliland

Degmada: Mohamed Mooge

— 

Name:  Sadam Osman Mohamed 

Phone : 063 4010419

Email: Sadamkabash99@gmail.com

Address : mohamed moge village 

Tittle: Biomedical Scientist / Writer 

Advertisement

Ku Xayeysiiso