Daawo: Muxuu Daaran yahay Safarka Kadisada ah ee uu Suldaanka Guud ee Beelaha somaliland Suldaan Maxamed Sul Cabdi Qaadir uu ku tagay Magaalada Jigjiga

Togaherer Jigjiga

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Raxan Madaxdhaqameed ah oo uu hor kacaayo ayaa tagay Magaalo Madaxda Dowlada Deegaanka Somalida.

Waftigan uu Suldaan Maxamed Hogaaminayo ayaa Waxaa si balaadhan ugu soo dhaweeyey Jigjiga Garaad Kulmiye Garaad Wiil Wiil iyo Koox Madaxdhaqameed ah oo uu hogaaminayo Garaadku.

Safarka Kadisoda ah ee Suldaanka ayaan Si dhab ah loo ogayn . Lakiinse Warar Xogogaal ah oo aanu ka helayno Suldaanka ayaa sheegaaya in suldaanku Oo rabo in uu la kulmo Madaxdhaqameedka DDS kuwa ugu tunka wayn iyo Waliba Hogaanka Cusub eee Loo doortay Dowlada Deegaanka Oo uu hormood ka yahay Madaxweyne Mustafe Cagjar kuwaas oo aanuu Suldaanku la kulmay ilaa iyo intii is badalku dhacay.

Wixi warar ah ee ka soo kordha isha ku hay Togaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso