Xukuumada Madaxweyne Muse Biixi maxaa u qabsoomay sanad ka dib, maxaase caqabad ku noqday ? qalinkii A/rahman fidhinle UK

Taariikhdu  waa dhacdooyin is qora, Xukuumad walibana waxay gashato ayaa taariikhda u gala shacabkuna midhaheeda ayuu gurtaa. Xukuumada Muse Biixi waxay la curatay humaaq qabyaaladeed, Colaado degaan iyo cadaawe Siyaasadeed oo degamsan.Dawladnimaduna waa dad iyo dal dhis ( Nation Building ) Hadaba Xukuumadda oo hada Sanadkii hore u dhamaaday bal aynu Miisaanka Saarno maxaa u qabsoomay ? Maxayse ku ribatay ?

  Waxaa u qabsoomay mudo xileedkii Sanadka ahaa  dhawr qodob:

1- Tiro koobkii shaqaalaha dawlada oo ay ku guuleysatay taa soo caagleyaal badan meesha ka saartay

2- Shaqaaqadii Ceel-Afweyn oo ay soo afjartay, Taa soo demisay Colaadihii labada beelood ee is diriray.

3- Mashruucii shaqo qaran ( National Services ) oo ay ku dhawaaqday laakiin laga dayriyey sifaha loo shaaciyey

4- Dhiiri gelinta wax-soo saarka beeraha dalka oo ay kor u qaaday, taa soo dalag badan la rajeynaayo inuu soo go’ sanadkan.

5- Gurmadkii Duufaandii ku habsaday gobolada Xeebaha qaarkood oo ay dadaal badan muujisay.

6- Kaabeyaashii dhaqaalaha oo qaar laga soo celiyey shirkadaha kala ah :  GTS, SICP, GOP, Sahal  Global, Somaliland ID Card, Moon light, Global Tech Solution and  Horn Africa Facility.laakiin weli faanoole fari kama qodna oo hadaan dhamaan illihii dhaqaalaha ee la boobay aan qaranka loo soo celin waxaa loo qaadanayaa qowda maqashii waxna how qaban.

Waxay ku fashilantay Xukuumadu oo aanay weli waxba ka qaban qodabadan tirada badan ee hoose:

1- Sicir bararkii iyo qiimihii Shilinka Somalilaan oo sidiisii ah oo weli baaxaa degaaya

2-Rojooyinkii Doorashooyiinkii isbarkanaa oo dib u dhacay farsamo xumo xukuumadeed awgeed

3- Xeerarkii Saami qeybsiga oo ilaa hada aan xal loo helin,taa soo xukuumadu iska dhego martay baaqyadii beelaha darafyada

4- Dalkii oo yeeshay Jabhado hubeysan oo cadowgii Somalilaan babada soo geliyey

5-Goleyaashii qaranka oo wada mudo dhaafay taa soo wiiqday dimuqraadiyadii yareyd ee aduunka laga iibin jiray

6- Albaabkii keli ahaa ee itoobiya oo ahaa albaabkii  Somalilaan Caalamka ka geli jirtay oo hada Somalilaan ku soo xidhmay

7- Kala qaybsanaantii shacabka ee ay reebtay haraatidii doorashadii madaxtooyada oo sii maqaarsiibatay. ilaa hada xukumadu waxba kama qaban mideynta shacabka.

8- Qorsheyaashii Horumarinta Higsiga qaranka ee NDP2 oo aan dhudhun lagu cabirin meersina la tolin

9- Mashaariicdii Dawladaha hoose ee JPLG ( Joint programme ) oo aan la falkin oo Fadhiid wada noqday

10- Dhamaan Mashaariicdii horumarineed ee shirkada DPWorld ku balan qaaday oo been  iyo afka baarkiisa wada noqda

11-  Caqabado badan oo xaga sharciga ah oo Xukuumada soo wajahay taasoo keliftay in ay adkaato in lafuro Dastuurka dalka si saami qaybsiga laysugu afgarto.

12- Hab macaamilaadkii gaar ka ahaa ee Somalilaan loola dhaqmi jirey ( Somaliland especial arrangements ) oo meesha ka baxay muddadaa sanadka ah

13- Khilaaf cakiran oo debeda u soo baxay oo ragaadiyey wasaaradihii muga lahaa iyo haydihii dawlada qaarkood sida Wasaarada Maaliyada V Xisaabiyaha guud ee qaranka..Gudoomiyaha Baanka  dhexe V Agaasimaha guud ee Baanka. Wasiirka Gaadiidka V Maareeyaha Hayada Wadooyinka. Wasiirka Beeraha V Hayada ka hortaga Afooyinka iyo Gudoomiyaha Hayada Barakacayaasha V Gudoomiye ku xigeenka isla hayadaa oo isaga oo aan xilkiiba laga qaadin Gudoomiye kale la dul keenay.

Waxaa Xukuumada Muse biixi ka muuqata in aany laheyn aragti Siyaasadeed oo dheer iyo biseyl Siyaasadeed oo ka mudh bixi kara dabeylaha Siyaasadeed ee dalka iyo mandaqadaba ka jira. Sidaa daraadeed hadii aanay dib u eegid iyo dib u qiimeyn mug leh ku sameyn Caqiidadeeda Siyaasadeed ee ku wajahan duruufaha dalka ka taagan waxaa sii kordhaaya cabsida shacabka Somaalilaan ay ka qabaan waayaha cakiran iyo daruufaha colaadeed ee maanta dalka dul hoganaayaa in ay u horseedi karaan dalka colaad beeleedyo hor leh iyo burbur dhaqaale oo saameyn taban ku yeelan kara dawladnimada Somaalilaan.

Waxaa Xukuumada Muse Biixi looga fadhiyaa: Xaq-dhowrida wada lahaanshaha dawladnimada, Cadaalad uqaybinta midhaha dawladnimo iyo in ay soo celiso yuhuuntii iyo wax wada lahaanshihii qaranimo. Waxaa looga fadhiyaa balan fulin iyo daahfurnaantii ay ku balan qaaday ( accountability and transparency ).

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso