Dhibaatooyinka Daawooyinku ku leeyihiin Dumarka Uurka leh. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash

Gabadhu jeerkasta oo ay u diyaar garoobayso ama ka fikirto in ay uur-qaado ama ay doonayso in ay dhasho ilmo maskax ahaan, jidh ahaan iyo guud ahaan ba caafimaad qaba: waxa ku waajiba in ay ka fogaato qaadashada daawooyinka(drugs) aanu dakhtar u qorin. Daawooyinka sida marujuwaana, kokaayiin iyo methamphetamine maaha oo kaliya daawooyin ee waa maandooriyayaal khatar ku ah uur-jiifka. Sababta hooyooyinka berri looga xarrimay daawooyinku waa in loo tudho ilamaha oo mustaqbalkiisu noqonaayo “uur ku soo bukood ifka ku silic”. Daawooyinka la qaata waxay si toosa u saameeyaan uur-jiifka korriinkiisa (WHO). Haddii hooyadu sigaarka nuugto, alkoolada cabto, ama ay qaadato daawooyinka lagu sarkhaamo sida kaaffiin, marujuwaana ama kookaaayiin waxa khatar ku jira ilmaha makaanka ku jira oo ay saamayn ku yeelanayaan korriinkiisa. Sidoo kale, waxay hooyada ku keenaysaa wadna xanuun, hawa-mareenka oo xidhma, faalig iyo suuxdin joogto ah. Daawooyinka hooyadu qaadato dakhtar la’aan waxay ku keenaysaa ilamaha in uu ku qaangaadhi waayo makaanka, miisaankiisa oo isaga oo hooseeya soo dhasha, iyo hooyada oo dhicisa. Sidoo kale, daawooyinkani waxay ilmaha ku sababaan marka uu soo dhasho in xusuusta iyo feejignaantu ka yaraato. 
Sigaarku waa maandooriyaha ugu horreeya ee ku keena carruurtu in ay ku wafaadaan makaanka hooyada. Sidoo kale, hooyada sigaarka qiijisaa waxay ilmaha u gudbinaysaa walxo kiimikaad oo uur-jiifka ku keenta kansar iyo walxaha kansarka dhaliya ee loo yaqaanno “carcinogens”. Marka la eego warbixinta ay daabacday CDC dumarka cabba sigaarku waxay umulaan carruur qaba wadna xanuun “heart defects”, sida wadnaha oo daloola iyo haniyayaasha dhiiga wadnaha kale xidha aan si fiican isku xidhayn ama isku furayn oo looyaqaanno “regurgitation and stenosis” iyaga oo ku geeriyooda shanta sano ee ugu horraysa noloshooda. Gabadha sigaarka qiijisa waxay la kulantaa dhibaatooyin jidheed sida mandheerta oo ku dhegta iyo kancarka sambabada iyo kansarka naasaha ku dhaca. Daawo kastaa waxay khatar ku tahay gabadha uurka leh, marka laga reebo xoogaa daawooyin ah sida vitamins iyo daawooyinka dhiiga kordhiya. 
Gunta iyo geba gebada ilmaha uurka ku jiraa waxa uu xaq u leeyahay in uu helo degaan nabdoon, oo naxariis iyo koolkoolin leh. Hooyada uurka lihina sida ay ugu dadaalayso marka uu soo dhasho akhlaaqdiisa, marriinkiisa iyo anfacadiis ba, waxa uu xaq u leeyahay in loogu dadaalo ilmaha uurka ku jiraa in uu helo nolol wanaaagsan. Hooyaduna waa in ay la socotaa saamaynta nooca daawo ah ee ay qaadanayso si aanay gacanteeda ugu samaysan uur sagaal bilood oo rafaad ah iyo sanado kadeed ah oo nolosheeda saameeya.

Sadam Osman Kaabash
Biomedical scientist
Hargeisa, Somaliland 
Degmada: Mohamed Mooge.

— 

Name:  Sadam Osman Mohamed 

Phone : 063 4010419

Email: Sadamkabash99@gmail.com

Address : mohamed moge village 

Tittle: Biomedical Scientist / Writer 

Advertisement

Ku Xayeysiiso