Dharaaro Xusuustood: “La Kala Dheeree, Orodse Maaha” Prof. Maxamed Siciid Gees

Dharaaro Xusuustood: “La Kala Dheeree, Orodse Maaha”

Prof. Maxamed Siciid Gees – Hargeysa

Bishii February ee sannadkii1986-kii, ayaan xoolo ka saaray doon ka baxday  tuulada Ceelaayo   oo qiyaas dhan 27 kiilomitir u jirta magaalada weyn ee Boosaaso. Sida la ogyahay meesha la yidhaahdo Qaw oo u dhaw Ceelaayo ayaa ah xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, halkaas ayuunna Talyaanigu ka fadhiyi jiray dhinac, halka Ingiriiskuna joogi jiray dhinaca kale, sida xadka Lowyacado oo kale. Carabta ka ganacsata xeebaha Somaliland waxay odhan jirtay; “Ceelaayo walaaya, laakin ahluhaa belaaya.” Waxa kaloo ay odhan jireen; “Law tishti kadib mujamac roox Xiise wa Maydh wa tasamac!”

Ceelaayo, Xiis, Maydh, Berbera iyo Saylac waxay ka mid ahaayeen magaalooyin waa hore (taariikh hore) la degay, sida lagu sheegay khariidadda Badda Cas oo lagu magacaabo Khariidadda Greek Periplus ee la qoray qarnigii labaad (200 AD).  Sida ku cad ama ku muujisan khariidaddan Badda Cas, meesha ay hadda ku taalo magaalada Berbera  waxa ku xusan magaalo la yidhaahdo; “Mallo ama Malbo.” Halka magaalo la odhan jiray “Mudno” ay ku xusan tahay meesha ay hadda ku yaalaan magaalooyinka Maydh iyo Xiis, meeshaas oo ay Soomaalidu u taqaanay magac “Maduuna.” Meesha ay hadda tahay Ceelaayo, waxa iyadana ahaan jiray Musellayn amaMosylon.

Haddaba, aan ku soo noqonnee waqtigii aan xeebta Ceelaayo ka dhoofinayey xoolaha, waxa jirta in tuulada Ceelaayo ay caan ku tahay, kuna wareegsan yihiin dhismayaal taalooyin kala waaweyn, kana dhismo ah, waana meesha ugu taalooyinka badan  arladda/dhulka Soomaalidu degto. Taalooyinku waa xabbaalo-wadareedyo, waxaanna loo malaynayaa in meeshu degaan weyn ahayd waqtiyo hore.

Magaalooyinka xeebaha ee hadda laga guuray waxa ka dhisan fooqyo iyo daaro hadda dumay, dadka hadda degan xeebahaasi waxay ku nool yihiin cariishyo ama guryo waabab yaryar ka samaysan. Dalxiise reer Yurub ah oo mar tegay degaanka Laas-qoray ayaa dadkii degnaa weydiiyay cidda dhistay fooqyadan dumay, kadibna waxay u sheegeen, in awoowayaashood dhiseen. Dalxiisihii reer Yurub waxa uu ku yidhi; “Oo hadda maxaa idinka waababka iyo buulashan idin dejiyey, dunidu hore ayey u socotaa ee idinku ma dib ayaad u socotaan?!”

Tuulada Ceelaayo ee aan markaas joogay waxa qudha ee daaraha ka bed-qabay masaajid weyn oo la dayactiro oo aad u fiican. Haddaba, waddaad aroorta hore dadka salaadda u kicin jiray ayaa ku dhawaaqi jiray tiraabta aan madaxa uga dhigay qoraalkan; “La kala dheeree, orodse maaha.” Khayrkii loo kala dheeree, haseyeeshee oradkii olomibaga ee Mo Farah billadaha ku qaatay maaha.

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa soo bogaadisay dhowaan wax lagu tilmaamay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Baydhabo ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya. Cajab! Beenaw tii shan-u-roon ahayd xaggee ayey ku dambeysay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilladu ee muddo dhaafay. Sheekadu ma awoowayaashayada ayaa qaban jiray doorashooyinka miyaa, oo dib ayey u socotaa?

Doorashoooyinku waa balaayo xijaabka Somaliland ama waa (Fire wall) xaafaddan odaya-xunta ah ee lagu mashaqeeyey keli-taliyeyaasha ee IGAD ayey innaga hor joogsataa, haddii la waayo doorasho iyaga oo ciidammadoodu oorinayaan ayey shaqo innaga dhigan doonaan sida Soomaaliya oo kale.

 Waar ha loo tudho dalka iyo dadkaba oo sagaal xubnood (9) waa laga heshiin karaa oo toddobadan (7) qof ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, haddii aan arrintu ka sii daba dheerayn. Alla maxaa laga digay cidhib-xummaanta ka iman doonta qodobka dastuurka ee xakameeyey axsaabta ee saddex xisbi ku soo koobay.

Nuqulkii loo gudbiyey labada Gole ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobkaas xisbiyada oo xakamayntii laga saaray oo xukuumaddu wadatay aniga oo Guddoomiye ka ahaa Guddiga soo-jeedinta wax-ka-beddelka dastuurka intaan aftida la qaban. Waxa si badheedh ugu hor yimi xubno ugu tunweynaa Golayaasha oo ka ololeeyey wax-ka-beddelkaas, taasi waxay oggolaatay in xisbi qudhi uu daadafayn karo qabsoomidda doorashada, haddii aan soo-jeedintiisa la yeelin. Maanta WADDANI, shalay KULMIYE, berri UCID. Waxa ka daran saddexda xisbi ee markaas joogaa midna ma oggola in qodobkaas la taabto.

Qoraalo hore ayaan kaga hadlay dhibaatada saddex xisbi ee kootaha loogu xidhay ka-qaybgalka siyaasadda iyo dimuqraadiyadda reer Somaliland ay u keeneen dalka oo ay ragaadiyeen geeddi-socodkii dimuqraadiyadda oo qoorta isaga duubeen isbeddelkii siyaasadda.

Haddaba, inta aan wax-ka-beddel loogu samayn qodobkaas dastuurka, oo u baahan 2/3 codka mudanayaasha labada Gole ee Baarlamanku (Guurtida iyo Wakiilladu) inay ansixiyaan, si aanay doorashadu cid ugu deldelnaan ama xeerka doorashada lagu darin in murrashaxyo madaxbannaaani ay ka qaybgeli karaan doorashooyinka, taasoo hawl yar oo hal cod dheeri ah u baahan oo Golaha Wakiilladu keligood ku kooban, iyada oo Qodobka 9-aad ee dastuurka la beddelin, kaas oo sidan u dhigan.

Qodobka 9aad: Nidaamka Siyaasadeed

1.       Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad iyo talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

2.       Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badan karaan saddex (3) xisbi.

Faqradda labaad muran badan ayaa ku jira. Hadda halkan kuma soo qaadi karno dib-u-habaynta dastuurka iyo xeerka doorashada ee waxa loo baahan yahay xaaladda taagan sidii xal loogu heli lahaa ee doorasho u dhici lahayd oo reerkan daalay loo dejin lahaa. Mindi-mindi ku-taag ayaa xaaladdii maraysaa iyo car iyo wir.

1.       Xisbiga WADDANI hal diid; oo wuu diiday inuu doorasho ka qaybgalo haddii aan la kala dareerin Guddigan Doorashooyinka Qaranka ee hadda jira oo mid cusubi aannu iman.

2.       Xukuumadda xisbiga KULMIYE ka soo jeedaa hal diiday; in aan la kala dirin Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo aannu xilligoodii dhammaan, isla markaana aan qof walba gooni loo soo eedayn oo habka sharciga la marin.

3.       Guddigii Doorashooyinku Qaranka hal diid, inay bisinka iska qabsadaan oo istiqaalad iskood u keenaan oo xilka banneeyaan lagu kari waa oo diid.

Waa sheekadii Bah Xawaadle (Ogaadeen) ee qarnigii 19naad ka dhex dacday,

Haddii nabadda ceelkaan ku rido ciddi ka soo saarto

Abwaan Nuur Ibraahim (Nuur-Jiir)

1.       Ilaahay hal diid, inuu walaalkay soo nooleeyo diid.

2.       Bah Xawaadle hal diiday inay walaalkay laba maggood iga siiso diiday.

3.       Anna hal diiday, inaan walaalkay laba maggood waxaan hayn ka qaato diiday.

Waar qarnigii 21aad ayaan joognaa oo kasiweynay,

Waxu waa qabaal, waadna kabataan’eh.

Abwaan Ismaaciil Mirre Cilmi

Haddaba, bal sidiriq sida arrinkani u suurtagal yahay: dhaqanka Soomaalida waxa uu ahaa ka hor inta aannu Khawaajuhu (reer Galbeedku) nashuushadayn in labadii qof ee isku qabta arrin; loo kala gooyo arrinka ay isku hayaan, si cid kastaa u guulaysato oo weji-gabax u dhicin (win-win solution). Soo jeedinta arrintan lagu furdaaminayaa waxay tahay sidan:

1.       Guddiga Doorashooyinka qaybtood ha la kala diro oo kuwa cusub ha lagu beddlo ,qaybina ha sii joogto.

2.       Xubinta dumarka ah iyo labada xubnood ee beelaha darafyada ka soo jeedaa ha sii joogeen.

3.       Afarta xubnood ee kale ee beelaha dhexe ka soo jeedaa ha la beddelo.

Hadalka duulay daayoo, Reerka daalay dejaay, dejiyaay dejiyaay

Abwaan Maxamed Cumar Xuseen (Huryo)

Arrinta kale ee aan doonayo in aan ka hadlo waa dhibaato lale oo haysata dalka iyo dadka Somaliland, taasoo saldhig u ah sicir-bararka, waana arrinta galaafan karta dhaqaalaha dalka, haddii aan laga hortegin, arrintaasina waa labada sarif ee khuseeya lacagta doollarka.

1.       Midi waa sarifka dowladda ama sarifka cashuurta doollarka oo ah toddoba kun oo Somaliland shillin ah (7,000 SLSH)

2.       Iyo Sarifka labaad oo ah sarifka suuqa ee xukuumadda iyo shicibkaba wax lagaga iibiyo oo halka doollar ah lacag dhan toban kun oo Somaliland shillin ah ($1 la mid yahay 10,000 SLSH)

Arrintaasi waxay jaha-wareer ku samaysay sarifka oo waxay keentay hoos-u-dhaca joogtada ah ee shillinka Somaliland, taas macnaheedu waxa weeye waxa la kabaa baddceedda la soo waarido boqolkiiba 40 ama (40%). Badeecaddaas oo uu ku jiro sigaarku, qaadka, cadarka, baabuurta raaxaada oo haddii quutal-darrooriga ay ku koobnaan lahayd cawo ayey noqon lahayd. Arrintaas labada sarif ah qoraalo hore ayaan ku soo qaaday.

Ganacsatada qiimaha doolarka goysaa, illeyn Baanka Dhexe lacag adag ma haysto uu ku xakamayn karo qiime-barrarka doolarka, waxay had iyo goor ku dedaalaan faraq weyni u dhexeeyo sarifka ay wax ku cashuurtaan iyo ka ay wax ku iibshaan, si ay macaash badan u helaan, waa arrin caadi ah oo aan lagula yaabi karin. Qofku waa ka faa’iidaystaa daldaloolada sharciga isaga oo aan jebinayn.

Hadda dawladda Federalka ah ee la aqoonsaday ee intaas jalaafadda u dhigaysa Somaliland, waxa loo soo daabacayaa lacag cusub Baanka Adduunka ayaa lacag siiyey, waxanna lagala talinayaa lacagta, oo lala dhisaya habka maamulka. Haddaba, waxa iman doonta in lacagtaas ka xoog badato Somaliland shilinka oo sida birta Itoobiya inuu qabsatay ay iyana innagu soo faafto. Haddii inta goori goor tahay aan la adkayn lacagta Somaliland oo xukuumaddu ku qaadan cashuurteed sarifka suuqu hadba inta uu joogo, haddii kale sheekadu waa, “La kala dheeree, orodse maaha.” Bal adba!

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso