Booliska Itoobiya ayaa Xidhay Yared Zerihun oo ahaa Madaxii hore ee NISS iyo Taliyihii Guud ee Booliiska Dalkaasi

Addis Ababa, November 15, 2018 (ToggaHerer)–Yared Zerihun oo ahaa Ku-xigeenkii Madaxa Sirdoonka Qaranka (NISS) iyo Guddoomiyahii Guud ee Booliiska Federaalka Itoobiya ayaa la xidhay.

Sida ku cad war-murtiyeed ay soo saareen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Itoobiya maanta ayaa lagu sheegay in lagu xidhay Dukem oo 30km koonfur kaga beegan magaalada Addis Ababa.

Bilayska ayaa ilaa hadda la xidhay in ka badan 60 qof oo lagu eedeeyay xadgudubyo xuquuqda iyo musuqmaasuq.

Advertisement

Ku Xayeysiiso