Akhri Faashilka Ku Gadaaman Ballanqaadkii Uu Ololaha Ku Soo Galay Madaxweyne Muuse Sannad Kadib + Falanqaynta Halka Ay Ku Dambeeyeen Todobaddii Tiir Iyo Buuggii Cagaarnaa Ee Kulmiye

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  maxaa uga Qamsoomay Muddo Sannad Ah Toddobadii Tiir Ee Arimaha Bulshada, Amniga, Dhaqaalaha, Garsoorka, Siyaasadda Dibada, Maamul Wanaagga Iyo Deegaanka Oo Ahaa Balanqaadyadii Uu Sameeeyay Wakhtigii Ololaha.

 

Maalinimadii Dorraad oo kale 13-kii Bishan November sannadkii 2017, maalin Isniin ah ayay shacabka Somaliland u dareereen doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo ay ku tartameen Xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID oo ay Musharraxiin u kala ahaayeen Muj. Muuse Biixi Cabdi, Ambassador Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Eng. Faysal Cali Waraabe taasi oo ahayd doorashadii saddexaad ee Si dimuquraadi ah shacabka Somaliland codkooda uga dhiibtaan marka aynu ka hadlayno ta gaar ahaan Madaxtooyada, waxaana laga joogaa muddo sannad iyo laba maalmood ah.

Shacabka Somaliland oo doorasho walba oo ay u dareeraan xisaabaad gaar ah u leedahay, mar walbana rajo ka qaba in ay kaga baxaan dawlad xumada, Musuqmaasuqa iyo duruufaha adag ee dhinaca nolosha ee ay la deriska ahaayeen tan iyo markii dalka lagu soo laabtay ayaa waxa shacabku mudadaasi sannadka ah ee durba ka soo wareegtay maalintii ay codkooda dhiibteen waxa ay is waydiinayaan waxa ay doorashadaasi ka badashay noloshooda, waxa dalka u kordhay, waxa ka dhacay iyo halka ay ku dambaysay rajadii ay ka qabeen in ay arkaan is baddalka ay u oomanaayeen.

Muddo Bil ah kadib maalintaasi ay shacabku codkooda dhiibteen waxa hannaan dastuuri ah xilka Madaxtinimo ula wareegay Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Musharaxiii isagu doorashada ku guulaystay, Wargeyska Foore waxa uu haddaba faallo qoto dheer oo taxane ah ku milicsan doonaa waxa mudadaasi sannadka ah Madaxweyne Muuse Biixi uga qabsoomay ballan qaadyadii uu ololaha doorashada ku galay iyo dareenka shacabku ka qabo ee wakhtigan taagan.

Buuggii ololaha siyaasadeed ee uu xisbiga KULMIYE ku galay Doorashadii 2017 oo Halku-dheggiisu ahaa “Berri Maanta Ka Fiican….Horaa Loo Soconayaa” waxa uu ka koobnaa 7 Tiir oo waaweyn oo kala ah:

Tiirka 1aad: Arrimaha Bulshada

Tiirka2aad: Amniga Iyo Nabadda

Tiirka 3aad: Dhaqaalaha

Tiirka 4aad: Garsoorka Iyo Caddaaladda

Tiirka 5aad Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Tiirka 6aad Horumarinta Maamul Wanaagga

Tiirka 7aad Deegaanka Iyo Is-Baddalka Cimilada

Inkasta oo haddaba Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisu Gu’ Jirsadeen haddana waxa lagama maarmaan ah in fuudhka la saaro mudadaasi sannadka ah waxa u qabsoomay iyo sida xaaladda dalku maanta tahay, inkasta oo qiimaynta wax-qabadka xukuumaddu ku dhamays tirmi doonto haddii Alle innagu simo dhammaadka muddo xileedkiisa, haddana waxa aan isku dayi doonaa maadaama Hal dalool durba u dhammaaday shantii dalool ee la doortay waxa aan qormadeena koowaad ku eegi doonaa Tiirka koowaad ee Ballanqaadkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wadciga dalka maanta yaalla iyo sida wax uga qabsoomeen. Xisbiga KULMIYE qodobka koowaad ee ballan qaadkiisa waxa uu kaga hadlay waxa uu ka qaban doono qoodbo ay ka mid yihiin waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Warbaahinta.

Waxbarashada:

Inkasta oo Madaxweyne Biixi ballan qaadkiisa waxbarashada ku sheegay in uu tayayn doono heererka kala duwan ee waxbarashada sidoo kalena uu samayn doono sanduuq cilmi-baadhista iyo hal-abuurnimada lagu kobciyo, waxa is waydiin leh waxa uga qabsoomay mudadaasi sannadka ah ballan qaadkaasi. Xaqiiqadu waxa ay tahay in tayadii waxbarashada dawladda ee sii wiiqmaysay tan iyo xukuumaddii hore, in mudadaasi sannadka ah ee uu talada joogay wax ka sii dhaca mooyee aanay waxba u kordhin illaa maanta dadkii danyarta ahaa iyo kuwii kaleba ay dugsiyadii dawladda gabi ahaanba ka amba baxeen oo ay ubadkoodii dugsiyada gaarka ah ula miciinsadeen iyada oo aanay xukuumadda cusubi la iman wax alla wax qorshe ah oo ay wax kaga qabanayso hoos u dhaca weyn ee ku habsaday tacliintii dawliga ahayd. Dhinaca Hal-abuurnimada iyo sanduuqa Madaxweynuhu sheegay waxba wali ugama aanay qabsoomin marka laga reebo 14 dhallinyaro ah oo hablo iyo wiilal isugu jira oo la yimid hal-abuur iyo hindise wax soo saar kuwaasi oo uu Bishii April kula kulmay xafiiskiisa. Wax-qabad ha joogee Nuxurka kulankaasi waxa uu kaliya ahaa kulan dhiirri gelin afka ah iyo bogaadin aan dhaafsiisnayn in xukuumaddu dhallinyaradaasi barbar taagan sidaana ay guryahoodii ugu laabteen kadib sawiro ay Madaxweynaha la galeen iyo qasriga Madaxtooyada oo ay soo arkeen.

Caafimaadka:

Dhinaca Caafimaadka tiirkan koowaad ee ballan qaadkii Madaxweynaha waxa ku jira in uu dalka ka dhisi doono 5 Cisbitaal sidoo kalena uu dardar galin doono adeegyada caafimaad ee dalka. Mudadaasi sannadka ah waxba ugama qabsoomin Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa arrinkan waxaanu caafimaadku dalku marayaa meeshii ugu hoosaysay. Dhismaha shantaa cisbitaal oo aanay xataa xukuumaddu hadal hayn waxa ka sii daran kuwii dhisnaa oo qaarkood albaabada loo laabay, daawada iyo adeegyada ay bixiyaana intooda badan gabaabsi yihiin. shacabka danyarta ahi waxa ay lacago ku bixiyaan adeegyada caafimaadka ee goobaha dawladda haddana ma helaan adeeg ay ku hagar baxaan meelaha dalku maanta ugu liitana waxa ka mid ah caafimaadka oo inta ladan ee wax haystaa kaliya ay heli karaan adeeg caafimaad oo qaali ah oo ay bixiyaan Cisbitaallada gaarka loo leeyahay ama qaarkood dibadaha u tagaan sida dalalka Turkiga iyo Hindiya. Warbixinadii caafimaad ee ugu dambeeyey waxa ay muujinayaan dhiillada adeeg-xumada caafimad ee dalka, daawooyinka tayada  xun iyo xaaladaha hooyada iyo dhallaanka oo ah cidina uma maqna ceelna uma qodna. Gabo-gabada qodobka Caafimaadka ee Tiirka koowaad ee Ballan-qaadka madaxweynaha waxa ku xusan in gabogabada sannadka 2022 in muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi heli doono adeeg caafimaad oo casri ah. Akhriste hal sano oo sidan ku dhaafay Madaxweynuhu Afarta dambe maku gaadhi doonaa qorshahaasi olole ee u muuqday laab la kaca iyo malo awaalka.

Biyaha:

Tiirkan koowaad iyo dhinaca Biyaha, waxa ballan qaadka Madaxweynuhu ahaa in uu wax ka qaban doono Biyo la’aanta baahsan ee dalka Miyi iyo Magaaloga isaga oo sheegay in uu muddo xileedkiisa dalka ka qodi doono 350 ceel Biyood isaga oo sheegay in uu muhiimadda siin doono gobolada Biyo la’aantu ka jirto. Haddii taasi ahayd ballan qaadkii Madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE maxaa mudadii sannadka ahayd dhinaca Biyaha laga qabtay? Waxa xaqiiqo ah in aanay xukuumaddu iska daa hal ceele, hal tallaabo aanay hore uga qaadin halkii hore. Haddii 350-ka Ceel ee uu ballan qaaday loo qaybiyo muddo xileedka Madaxweynaha oo dhan 5 sano waxa sannadkiiba Madaxweynaha laga rabay in uu qodo 70 Ceel. Maxaa haddaba 2018-ka kaqabsoomay 70-kii ceel ee laga rabay Madaxweynaha. Iska daa in Madaxweynuhu Biyo la’aantii dalka ka jirtay wax ka qabtee intii hore ayaa sii xumaatay. Tusaale waxa kuugu filan Caasimadda Hargeysa oo muddo dheer harraad culus qabtay in maalintii Madaxweynuhu xilka la wareegay qiimaha foostada ay Biyoolayaashu siinayeen 12-kun oo shilin oo xukuumaddii ka horraysay ku soo rogtay in ay maanta marayso 25-kun oo shilin Somaliland ah oo u dhiganta $2.5. halka intii yarayd ee biyaha suququlka ku heli jirtay saacadihii loo sii dayn jiray biyuhu ay sii yaraadeen. Qiimihii Halka Miter-Cubic ooh ore u ahaa 9500 oo shilin laga dhigay maanta 14,500 oo SH/SL. Ma waxbaa sii xumaaday mise waxbaa hagaagay mudadaasi Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu talada haysay halkeese ballan qaadkaasi ku dambeeyey.

Warbaahinta:

Sidoo kale Tiirkan koowaad waxa uu ballan qaadkiisa xisbiga KULMIYE ku xusay in uu awoodayn doono warbaahinta dalka kana shaqayn doono xorriyadda saxaafadda sidoo kalena uu hir gelin doono kulliyad lagu barto saxaafadda. Muddadaasi haddaba sannadka ah ee Madaxweyne Muuse Biixi joogay talada dalka waxa si weyn hoos ugu sii dhacayay xidhiidhkii warbaahinta iyo dawladda ka dhaxeeyey. Xukuumadda KULMIYE waxa ay sii wadday tacadiyadii warbaahinta qaarkeed, iyada oo ay maanta hawada ka baxeen in ku dhaw 5 Wargeys oo maalinle uga soo bixi jiray Caasimaddu, sababo ay xukuumaddu doorkeeda ku lahaydna hawada uga maqan kadib markii ay xataa wargeysyadaasi waayeen biilashii yaraa ee ay ku tiirsanaayeen. Waxa toddobaadadii ugu dambeeyey oo kali ah hadal hayntoodu taagnayd hanjabaddii iyo cago-juglayntii wasiirka Warfaafintu kula kacay Telefishanada STAR iyo SAAB. Iska daa in xukuumadda Muuse Biixi sida ballan qaadkeeda ka muuqata  dhisto kulliyad saxaafadeede waxa qarka u saaran in ay dhaqaale la’aan u xidhanto dadaalkii ay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Jaamacadda Hargeysa kaga hir-geliyeen kulliyad saxaafadda ah oo sannadkii labaad imika ardaydu galeen taasi oo dhaqaalaha ku baxaya sannadka koowaad ay bixisay dawladda Ingiriisku wixii intaa ka dambeeyana aan loo hayn wax ay ku shaqayso illaa imikana aanay xukuumaddu waxba ku darsan.  Dhinaca kale Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo waxa ay ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA u ballan qaaday in ay dhul siiso si looga dhiso Xarun waxbarasho oo saxaafadda loo dhiso. Guddoomiyaha SOLJA oo toddobaadkan ka hadlayay shirweynihii Warbaahinta Somaliland waxa uu sheegay in wax uga qabsoomay arrintaasi ha joogtee ay Madaxweynaha maanta xilka haya ka waayeen ballan ay kula kulmaan si ay arrinkaasi wax uga waydiiyaan.

….La Soco Tiirka 2aad iyo cadadka dambe

Source: Foore

Advertisement

Ku Xayeysiiso