Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Somalia oo ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda 2018ka oo ay Qaraar u soo badaleen Guddiga Maaliyadda BFS.

Kulanka uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibrahim Muuday ayaa Dhageysi iyo dood dheer kadib codbixinta Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa u dhacday sidatan, 153 ayaa ogalaatay, 2 wey diiday halka 3 kalana ay ka aamustay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale ayaa uga mahadceliyay Golaha Shacabka maadaama ay meel mariyeen dib u eegista Miisaaniyadda Dalka oo lacag dhan $22.5 Milyan ay ku korodhay $17 milyan oo ka mid ah lacagta korodhayna waa Mushaharka Ciidanka .

Advertisement

Ku Xayeysiiso