Tuug caadadii ma illaawo, waraabena caydhis ma daayo

Waa kuma Dillaalka ugu weyn Siyaasiyiin reer Somaliland dhinaca Siyaasadda

 

Waxa uu ka tirsanaa ururkii la magaca-baxay xaqu-dirirka somaliyeed ee SNM garabkii siyaasadda, waxa uu ahaa gudoomiyyihii shirkii awaare, shirkaas oo ahaa kii dib ama marlaab loogu doortay guddoomihii jabhadda oo waqtigaa ahaa mujaahid Ahmed siiraayo, (the ex president) madaxweynihii hore ee Somaliland ,Shirkaa sida uu u maamulay shir-gudoonku waxa ka bilaabmay qas iyo qabyaalad aan hore uga jirin ururka gudihiisa, shirkaas waxa ka dareeray rag badan oo qayb ka ahaa ergooyinkii iyo golihii dhexe ee SNM, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiinba leh, Shirkaa iyo dhacdoonkaasi hadheeyey ka dib, SNM waxay u muuqatay uun laba garab oo is barbar  socda cilladdii kala  dhex gashay awgeed, mararka qaarkood waxa aad u soo if-baxaayey kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo xusul-duubka qabyaaladeed oo ahayd mid haba yaraatee waqtigaa aan loo baahnayn.

Gudaha iyo dibedahaba wararka uga soo baxayey waxa ay muujinayeen in halggankii bahal dhex galay, lagana tallaabsan la’yahay kala caydhintiisa.

Taageeradii dhaqaale ee dibadaha iyo qaadhaan ururintii ayaa aad loogu kala fogaaday

Ninka aan ku socdaa waa Ismaciil horre;

 Inta badan, waqtiyadaasi waxa uu qaabilsanaa bariga dhexe,  waddamadaa oo cudud weyn oo reer somaliland ahi degganaayeen halggenkana taageerooyinka dhaqaale ee ugu faca weyn ka geysan jiray. Dadkaa qaadhaan bixiyeyaaasha ahaa waxa kali ah ee ay ku abtirsan jireen waxa uu ahaa magaca SNM, bah kale ma jirin, isku wada bah ayey ahaayeen taageeradu nooc kastaba ha ahaatee, waana intii Ismaaciil iyo in yar oo isugu ka kaw yahay aanay usha la dhex gelin,

Ta kale ee uu keenay waxay ahayd in la yidhaa taageerayaashu ma wada aha SNM ee ha kala baxaan, taasoo kaadhadh iyo warqado la siiyey taageeraysha  qaarkood, taa qudheedu dadkii way kale irdhaysay.

Arrintaasi waxay salka ku haysay ujeeddooyin gaar ah kuna qotonta sidii wax looga  kale dillaali lahaa qaadhaamadii woxogaayada ahaa ee la gaadhiinsiinayey  majaahideentii yaryareyd ee ku dhibaateysnayd duurka sida joogtada ahna ugu taagnaa weerarradii iyaga iyo cadawga u dhexeeyey. laakiin taasi khasaare ayuun bay ku keentay ismaciil markii lala kale baydh-baydhay taageeradii qaadhaan. tabo kale ayey hadal-hayntoodu aad u badnayd lana qaadaa-dhigi jiray in adduun siyaabo aan qarsood lahayn uu Xaajigu u leex-leexiyey.   

La soco qaybta (2) labaad

Waa Mohmed H. Abdullahi

Advertisement

Ku Xayeysiiso