SHIR BEELEEDKII UGU HORREEYAY EE BUUG LAGU GORFEEYO AYAA QABANQAABADIISU JIGJIGA KA SOCOTAA. Cabdinaasir Axmed Abraham

SHIR BEELEEDKII UGU HORREEYAY EE BUUG LAGU GORFEEYO AYAA QABANQAABADIISU JIGJIGA KA SOCOTAA.

Cabdinaasir Axmed Abraham

“Shir aan guul ka sugayaa ma jiro, Ina san-weynoow.” Gaarriye. 
Arrimaha aqoonta, qoraalka iyo qabyaaladdu way kala madax bannaan jireen, inta ogaalkayga ah na waa markii ugu horreysay ee aan arko dedaal iyo abaabul reereed oo lagu lafo-gurayo buug. Dadyow magaalooyin kala duduwan jooga ayaa tigidho diyaaradeed loo diray, jiifka iyo qabanqaabada ergooyinka ka soo qayb galaya gorfeynta buugga SOOYAAL ee uu qoray Cabdiraxmaan “Guri-barwaaqo” waxa ku baxaya adduun aad u badan oo lagu soo ururiyay hab qabiil.

Qof ahaan buugga SOOYAAL waxa aan ka taagnaa, kana taagnahay geesta bidix, qoraal na waan ka sameeyay aragtidaydaa diidmada ah aan ku cabbiray. Waxa aan se ceeb u arkaa in aragti qof oo qoraal ah oo ay ku filnaan lahayd in qof keli ah cidda uu doono ba ha ahaadee uu naqdiyo in sidaas oo dhan loo buunbuuniyo.

Shirkan oo muddo shan bilood ah qabanqaabadiisu socotay markii hore na la isla soo qaaday in Nayroobi lagu qabto, ugu dambayn waxa la isku raacay in uu Jigjiga ka dhaco. Waxa qaban qaabada shirka xidhiidhka u qaabilsan Cabdiraxmaan Beddel oo muddo ba Sayidkii ayaa la caayay shaqo ka dhigtay.

Dadyawga marti qaadka loo diray waxa ka mid ah Axmed Faarax Idaajaa, kuwa badan oo kale way ka cudur-daarteen sababtuna waxa ay u badan tahay tuhunno door ah oo isa soo taraya fartana ku fiiqaya in hab qabiil loo agaasimayo kulanka gorfeynta buugga SOOYAAL.

Hadda ba haddii dulucda kulankani tahay in buugga la cambaareeyo hore ayaa dhalliil, cay, gorfeyn iyo faallooyin ba aan wax ba loogu reebin. Tanna waxa aan u arkaa in tahay mid fursad u ah Cabdiraxaan Guri-barwaaqo.

Gun-gaadhkii shakhsiyaadka abaabulaya haddii ay ula muuqato in dariiqan xal lagu gaadhi karo waxa aan leeyahay naxli, kala ir-dhow iyo xumo wax aan ahayn dhali maayo.

Xukuumadda yagleesha ah ee DDSI iyana waxa aan leeyahay kulankaasi waa mid siyaasadaysan shacabkiina yuu kala qaybin oo isku dirin. Ugu dambaynna aqoon-yahanka iyo hal-abuurka waxa aan leeyahay meel kasta oo la idiinka yeedho ha tegina.

Advertisement

Ku Xayeysiiso