Ma Runbaa Waxyaabaho Lagu Heshiiyey Laakiin Aan La Shaacin

Waxaa la sheegayaa heshiis qarsoodi ah oo ay galeen Abiy Axmed, Isaias Afwerki iyo Farmaajo kaa soo aan la shaacin lagana soo derin war murtiyeedka ay sedexda nin soo saareen dhamaadkii shirkooda. Waxaa lagu heshiiyey:
  1. In 1500 Askari oo Eratariyaan ah la keeno Muqdisho, gaar ahaan madaxtooyada
2. In 5000 oo Askari Itoobiyaan ah la geeyo Baraawe iyo Marka
  1. In 3000 oo ciidamo Itoobiyaan ah Ka soo galaan dhanka Galgudiud. Ciidamadaas waxay ka soo geli doonaa dhinaca Guriceel Iyo Caabudwaaq, waxayna isku furi doonaa Gobolka Mudug iyo Hiiraan.
  1. In ciidan Itoobiyaan ah lageeyo Gobolka Sool ee dhanka Somaliland IyoPuntland.
  1. In Ciidamo Itoobiyaan ah oo dheeri ah la geeyo Baidhaba.
  1. In 1000 Askari oo Eratariyaan ah la geeyo Baydhabo si ay
iskugu furaan Baydhabo ilaa Muqdisho, dhinaca waxay u gogol xaarayaan 5000 ee Itoobiyaan ah oo Gedo kasoo geli doona iyaga Jubada dhexe ku wajahan.
  1. In Itoobiyaanka lagu wareejiyo dekadaha Kismaayo, Marka, Baraawe, iyo Hobyo
  1. In Eratariya lagu daro Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika si shaqo loogu helo askartii dagaalka Itoobiya ku wajahnayd.

Ibrahim Mohammed ibrahim_hg@yahoo.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso