Kornayn Muuse siduu u yimi Kulmiye iyo Kacaankii  isku kaan noqde.

Waxa aan aad iyo aad uga xumahay in uu mujaahid usoo halgamay Siddii caddaalad iyo Sinaan loo heli lahaa uu isagii ku sifoobo wixii uu ka dhiidhiyey, waxa wax aan indhaha laga qarsankarin ah ficilka iyo talada maamul iyo maarayn ee caddaalada, sinaanta iyo wax wada lahaanshaha baal marsan ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, halka Isaga oo sanad joogin uu mutaystay in la barbar dhigo  xisbigii kacaanka shuuciga ahaa ee Kaligii taliyihii kala irdheeyey Soomaali Una sabab ahaa xukunkiisu xasuuqii iyo burburkii somaliland kadhacay iyo kii ka dhacay soomaaliya ee welina ka socda soomaaliya illaahay haka saaree.

Horaa loo yidhi ‘’ ruuxaan Waxa soosocda garanayn Waxa jooga ma garto!’’ siddaa awgeed idinkaa dhaadiye dhab u fiirsada oo dhugta kulmiye dhabadii Kacaankii ayuu afka saaraye.

Haddii aan si kooban u saafo :-

Kacaankii madaxweyne Waxa u ahaa askari Janan M Siyaad, Wasiiradiisana janano askar ah baa ku jiray, halka xukuumada

Kulmiye uu madaxweyne u yahay askari , kornayl M Biixi, Wasiiradiisana kornaylo askar ah baa ku jira.

Kacaankii caddaalad darada, cabudhinta iyo cago-juglaytu waxay ahayd habkuu dalka ku maareeye.

Kulmiyena sidoo kale.

Kacaankii cid dhag umuu jalaq siin jirin kulmiye sidoo kale,

Kacaankii ciddii cabata waa la xidhi jiray, kulmiyena sidoo kale.

Kacaankii dadkoon maxkamad la marin ayaa jeelka lagu tuuri jiray, sidoo kale xadhigii  xukun markuu ka dhamaadana jeelkaa lagu hayn jiray wakhti Dheeraad ah.

Kulmiyena siddoo kale.

Kacaankii wadankoo Colaad iyo dagaal ka socdo oo baaba’aaya ayuu odhan jiray barwaaqo iyo Nabad baa  dalka maasheeysay.

Kulmiyena dalkoo Colaad iyo dagaal iyo macaluuli iyo sixirbarar ka jirto ayuu leeyey Dhulkeena nimcaa fadhida.

Kacaankii kaaliyaha ayaa wasiirka u hanjabi jiray.

Kulmiye sidoo kale ay u dheertay in wasiirka shaqada looga eeryo kaaliye iyo in agaasime iyo wasiir jaafaa jirqaan iyo sidoo kale in wasiir dhan shaqalihii amar diidaan.

Kacaankii qaraabo kiil awgeed wadanka qoysbaa maamulaayey.

Kulmiye sidoo kale 90ka xil ee ugu mudan dalka 67 waa qaraabo kii hal Qoys, 23ka soo hadhay waa cawri reeb iyo dadka intii kale.

Kacaankii saraakiishii iyo ciidankii xooga dalka ayaa u adkaysan waayey cadaalad darada maamulka qalafsan ee macangaga ah, oo duurka u galay siday dadka uga xoreyn lahaayeen.

Kulmiye siddoo kale saraakiil qaran baa ka dhiidhidey cadaalad darada dalka ku habsatay oo duurka u galay.

Kacaankii may jirin xoryatal qowl lamana ogolayn fikir aragtiyeed in ciddi ku soo tabiso hab qoraal ama cod murtiyeysan.

Kulmiye siddoo kale oo wuu gabyey ama maqaal buu qoray ayaa dad lagu xidhaa.

Kacaankii Isaga oo kadeed dalka ku haya ayuu I amaana odhan jiray oo heeso amaan ah loo qaadi jiray.

Kulmiye siddoo kale ayuu odhan ee bal ha labo ama Saddex jirsado!!.

Isku eenkaashaha kulmiye iyo Kacaankii wax qoraal lagu soo koobi karo maaha, se hubaal kornayl muuse sidduu u yimid kulmiye iyo Kacaankii isku kaan noqde.

Runta sheeg, Dacar

Haday ka qadhaadhay.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso