Shirkadaha Isgaadhsiinta & Hooyada Suuqa Fadhida Mid Walba Cashuur Ayaa Ku Waajibtay. W/Q: Mohamed Gacayte

Hooyada suuqa fadhida cashuuri kuma baaqato, waana cashuur biyaha
dhabta ah ee dawladu ku xisaabtanto. Shirkadaha Isgaadhsiintu waa suuq
dihin oo dhaqaale badan ku fadhiya, mudadaa ay Somaliland jirtay
lagama qaadin cashuurtii ku waajibtay ee qaranku xaqa ugu lahaa.
Sidaas darteed waa’ayo cida diidan in cashuurta laga qaado? Maxaa loo
siyaasadaynayaa hadii Wasaarada isgaadhsiinta iyo technologyada tidhi
waxaanu soo wadnaa qalabkii lagu ogaan lahaa xadiga cashuurta sanadkii
laga rabo Shirkadaha Isgaadhsiinta ee ku cayilay hantida umada ee
aanay waxba kusoo celin bulshada.

Xukuumadahii iskaga danbeeyay talada dalka umay suurtagalin inay
keenaan qalabka lagu ogaado dakhliga dhabta ee ah ee Shirkadaha
Isgaadhsiintu sanadkii soo gala. Nasiib wanaag Xukuumada Madaxweyne
Biixi, Wasiirkeeda isgaadhsiinta iyo technologyda Dr-Abdiweli Soufi
wuxuu ku guulaystay inuu keeno qalab casriya oo u saamaxaya inay si
fudud ula socdaan dakhliga Shirkadaha Isgaadhsiinta si cashuurtii ku
waajibtay looga qaado. Runtii talaabadan oo ah mid xaga horumarka loo
qaaday, waayo cashuurta shirkadaha waa wayn laga qaado dalka ayay
dhistaa.

Ma jirto sabab dood loo galiyo ama looga dagaalamo in lala xisaabtamo
Shirkadaha Shilis ee shilingkii umada gacanta ku haya. Hooyada suuqa
fadhida iyo shirkadaha isgaadhsiintu mid walba cashuurtu way ku
waajibtay. Bixinta cashuurtu waxay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan
dhismaha dawladnimada iyo jiritaanka qaranimada. Horumar dal ma
sameeyo ilaa iyo dadkiisu noqdaan cashuur bixiye u hogaansan nidaamka
dakhli ururinta qaranka.

Sidaas darteed, waa nasiib daro in Axsaabta Mucaaridka iyo
Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood majaro habaabiyaan ujeedada
qalabka ay keentay Wasaarada isgaadhsiinta iyo technologyda
Somaliland. Cid la dhagaysanayaa ma jirto awoodaana wasaaradu malaha
waayo xogtaba shirkadaha ayaa siinaya wasaarada, Kaliya qalabkaasi waa
mid saamaxaya in la ogaado xadiga cashuurta ee ku waajibtay. Cida
diidan in cashuur laga qaado suuqa isgaadhsiinta ee waliba sida indho
la,aanta ah uga hadlay iyagoon xogba hayn ee war mooga ah waxaan
leeyahay qaranimada dhawra oo waxa aad mucaaridayso iyo waxa kale
hakuu kala soocnaadaan.

Wabilaahi tawfiiq

W/Q: Mohamed Gacayte
Gacayte09@gmail.com
Hargeysa Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso