Garnaqsade  mise gadhwadeen: Shirkii Jaraa’id ee 20/10/2018 M/weyne Muuse Biixi Cabdi

Garnaqsade  mise gadhwadeen:

Shirkii Jaraa’id ee 20/10/2018

M/weyne Muuse Biixi Cabdi

Bahda Mareegta Farshaxan

Noofember, 2018

Waagii baa baryey.Waa maalin Sabti ah oo ay bisha Oktoober ku beegnayd 20dii, gu’guna yahay 2018kii.Waxaan ku waabariistey shir jaraa’id ayuu qabteyMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi  oo muddo afku juuqda gabay.Bulshada reer Soomaaliland waxay fileysay inuu shirkaa jaraa’id kaga warami doono sida uu gadhwadeen ugu yahay;sida uu arimahooga ugu maqnaa nudaddii aanay is maqal;sida uu danaha guud  ee ummada ugu heelanaa;sida uu ka yeelayo ama ku suurtogalinayo in Soomaaliland doorashada baarlamaanka iyo dawladaha hoose xilligooda u dhacaan;sida uu uga xun yahay in doorasho dib u dhacdo, inta uu xilka hayana aaney midna mar danbe dib u dhaceyn;sida uu mar walba diyaar ugu yahay la shaweynta xisbiyada mucaaridka;sida aanu garab u siineyn gudidda doorashada ee uu xisbiyada mucaaridka talo wadaag ula noqonayo; sida uu ugu heelan yahay  uguna hawlgalayo inuu bulshada doorashadii Noofember 13dii, 2017kii kala durkisay ee ay kala irdhaysay inuu dib isugu tolayao,una walaaleynayo;sida uu hal-doorkii ummada ula soo tashadey ayna iskula qaateen horumar;sida uga go’an tahay inuu gaadho xuduuuda Soomaaliland;sida ay u damaqdey in Degmada Badhan ay shirkii golaha wasiirada ku qabsato maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, aaneyna mar danbe u dhaceyn inay  hal taako  soo galaan xuduuda Soomaaliland;sida uu aad uga xumaadey in isagoo madaxweyne ah ay dhacdo markii ugu horeysay ee taariikhda Soomaaliland in xad-gudub intaa leeg loo geysto qaranimada Soomaaliland;Sida aanu u ogolaan doonin in hawada Soomaaliland laga maamulo Xamar ee uu wada-hadal ula  wado hay’adaha ku shaqo leh ilaalinta; sida uu ula socdo  isbadalada ka socda geeska Afrika,uuna ku hawlan  yahay inuu kaalinta Soomaaliland ku leedahay  ku galo; sida uu ula jaanqaadayo isbadalka siyaasadeed eek u yimid aduunka siiba geeska Afrika;sida uu u dareensan in xagal-daac iyo dibu dhac  ku dhacey siyaasadii  arimaha dibada iyo gudaha inta uu dalka xisbiga Kulmiye ka talinayey,waxna ka qabanayo; sida uu colaada soo noqnoqoneysa ee gobolada bariga  uga xun yahay wax la taaban karana uga qabanayo;iwm.

Waxaase himiladaasi ummada gabi ahaanba boqno gooyey, taageerayaashiisina calool xunuunku riday khudbada uu shirkaa jaraa’id ka akhriyey.Waxaa la filayey inuu muujiyo gadhwadeenimadiisa,ee inuu garnaqsi dhamaadey oo laga gudbay xilligiisii aanu golaha keenin. Ummaddu way isku soo durkayaan, nabarkii doorashadu wuu sii bogsanayaa.Marka la eego khudbada looga fadhiyey iyo tau u jeediyey waa kaaf iyo kala dheeri!!!

Hase yeeshee wuxuu madaxweyne Muuse Biixi ku bilaabey hadalkiisii  inaaney jirin dhibaato ee dalku nabad iyo barwaaqo ku jiro.Waxaanu sii gudda galay arimihii u qorsheysnaa oo aad uga duwanaa kuwa laga filayey.Inkastoo ay xaqiiqo cad tahay inaanu wali gudoomiyaha xisbiga Wadani mudane Cabdilaahi Ciro ka korin, horena uga socon, kana bogsan boogtii kaga timid guuldaradii doorasahda, haddana xubnaha xisbigaasi  ayaa u heelan inay u dhaqaaqaan dib u dhiska xisbiga iyo u  hawlgalida hawlaha togan iyo xilka mucaaridnimadu leedahay.Waxaana mudane Muuse Biixi arimahaha aan loo baahneyn ee uu ka Hadley ka mid ahaa:

  • Go’aankii Doorashada madaxweynenimada ee Noofember 13,2017:

Go’aankana gudida doorashada ayaa cadeeyey, labada xisbi midna kamuu keenin dacwad qoraal ay u gudbiyeen maxkamada, sidaa darteed ayey maxkamada qaranku go’aamisay  in uu xisbiga Kulmiye ku guuleystay doorashadaa. Ma laha ku noqod danbe, waa lagu kala dhaqaaqey. Guushii Kulmiye u soo hoyatey waxay dalka u soo kordhinayso inuu madaxweynuhu ka hadlo ayaa habooneyd, mucaaridkana hadalo soo dhaweyn iyo kalgacal leh kula hadlo.

  • Doorashada bisha Maarso ee 2019ku si ay u qabsoonto:

Wuxuu madaxweyne muuse biixi ku bilaabey waxa ilaa iminka la qabtey si  loogu diyaar garoobo doorshadaa.Wuxuu madaxweynuhu sheegay in  ay maxkamada sare iyo labada aqal gudoomiyeen  in la qabto doorashadaa xilligaa loo cayimay aaney tahay xeer adag.Wuxuu madaxweynuhu xusay in  doorasho la qabtaa inay u baahan tahay 10 bilood si loo diyaargaroobo. Hadda bisha uu arintaa ka hadlayaa waa bisha Oktoober ee 2018, doorashadaa xilliga loo cayimayna oo ah bisha Maarso 2019 waxaa ka hadhey in ka yar shan bilood. Sidaa darteed odhaahdaasi ayaa dhageystayaashii iyo dadkii daneynayeyba ugu filneyd inuu afgobaadsi wado.

Wuxuu madaxweyne Muuse Biixi yidhi: “ Markii doorashadaii dhacdey ee xukuumada la soo dhisay, komishanku waxay iskugu kaaya yeedheen axsaabta,waxaaney na soo hordhigeen barnaamijkii doorashada lagu gali lahaa oo toban bilood ah, iyo maalin, bil, iyo wig walba waxa la qabanayo.Saddex arimood ayaana ugu cuslaa : in laba doorasho oo tii baarlamaanka iyo tii dawladaha hoose oo isku sidkan mid walibana sharci gaar ah ay laheyd in la mideeyo,in la keeno lacagtii doorshadaa lagu qaban lahaa,iyo in saddexda xisbi iyagaa doorashada soo galayeyy keenaan komishanka soo jeedin ah wixii qaldamey iyo wixii saxmeyba”.

Saddexdaa qodob waxay aheyd in la soo dhameeyo bishii Juun ee 2018. Hase yeeshee wuxuu kaloo xusay in bishii Maarso ay xisbiga Wadani  ka biyo diiday lashaqeynta komishanka.  Xisbiga Kulmiye  markuu mucaaridka ahaa ayuu gef badan ka tirsadey gudidii doorashada, si  xarago leh ayuu Daahir  Riyaale u dhameeyey si uu u dhameystiro hanoqaadka doorasahda iyo hiigsigiisii ahaa inuu dalkan  raad la taaban karo kaga tag. Waxaanu ogolaadey inuu  si xarago leh ku aqbalao iscasilaad laga soo shaqeeyey oo ay ku dhawaaqeen guddidii doorashada ee xilligaasi. Haddaba siwaydiint waxay tahay  Kulmiyeba ka biyo-diid komishanka markii doorashada laga helayee, maxaa diidaya in  Wadanina ka biyo-diido?   Waa gadhwadeenimada Riyaale meelaha lagu xasuusanayo, ee uu dalkan ku hagey, taariikhduna ay u sugayso inuu  Madaxweyne Axmed Maxamed  kaga   horeeyey. Miyaa la is waydiiyo side la yeelay berigaa, ma la yeeli karaa sidii oo kale si hore loogu socdo. Arintaasi waxay u taalaa madaxeynaha talada hayaa inuu la yimaado gadhwadeenimo uu ku hogaaminayo  dhacdo kasta oo timaada, hase yeeshe aaney mudneyn inuu  bulshada la hor yimaado garnaqsi, halka laga rabo

 

hogaamin.Soomaalidaa hore u tidhi” Meel hoo dooni, hadal muxuu ka tari”… Waxaa la  doonayaa  fal suuban oo  hogaamineed inuu la yimaado madaxeynuhu si dooarshada loo galo.

 

 

  • Shir Beeleed: Waxaa kaloo madaxeynuhu sheegay in  qodobka kale ee  aad u socdo maalmahani yahay  shir beeleed.Waxaanu raaciyey in labadii gudoomiye ee xisbiyada mucaaridku Wadani iyo Ucid ay ku dhawaaqeen inay shir beeleed qabanayaa. Maaha ugub in xisbi ama urur mucaarid ahi uu ku dhawaaqo shir beeleed. Xilligii Madaxeyne Cigaal (IHUN) ayaa ururkii ASAD ee uu hogaaminayey Saleebaan Maxamuud(Saleeban Gaal) ku dhawaaqey shir beeleed, una hawlgaley in magaalada Burco lagu qabanyo shirkaasi, Shirkaasi Cigaal wuxuu la yimid hogaamintii looga baahnaa waxaanu ku guuleystay inuu ummada ku hago in laga gudbey xilligii shir beeleedka; Xilligi madaxweyne Daahir Riyaale  ayaa xisbiga Kulmiye dhawr jeer ku dhawaaqey inay qabanayaan shir beeleed, Daahir Riyaale wuxuu muujiyeyinuu yahay gadhwadeenkii bulshadu dooratey.  Madaxweyne Muuse Biixi waxaa looga fadhiyaa inaanu u dabcin weedhaha aan bulshada dhagahoogu u furneyn ee  uu la yimaado gadhwadeenimo ku aadan wuxuu ka qabanayo.
  • Naaneysta Muuse Handaraab: Mar la waydiiyey naaneystaasi, wuxuu Madaxeyne Muuse si kaftan ah ugu bilaabey “,Horta intuu aqalku banaanaan lahaa in la xidhaa la qaatey,  haddii kale wax waliba way soo galayaan, Haddaba Handaraabkii waxbaa ka jiree, waxbaan xidhxidhayee  ma lama furaa la yidhi”…..   Bulshadu markey eraygaasi faaleysay siyaabo kala duwan ayey u fasirayaan. Waxaa handaraaban telefoonkii, emailkii, qoraalkii,iwm.  Waxaa adkaatey in madaxweynaha lagala hadli karo arimaha dalka ka jira. Markaa waxaa qurux badnaan laheyd in uu la yimaado sida uu jecel yahay inuu bulshada ula xidhiidho ay bulshaduna ula xidhiidhi karto.

 

 

Isku soo wada duuboo waxaa shirkaa jaraa’id ka muuqdey  daldaloolo badan oon qaban bulshada lala hor yimid. Waxaa hungoobey in badan oo madaxeyne Muuse Biixi  halkaa meel ka sareysa inuu sheekada ka qaado ka fileysay. Kursigii madaxeynaha isgaa maanta ku gadhiya inuu la yimaado waxqabad la taaban karo ,muujiyana gadhwadeenimo la hiigsan karo ooku aadan xaalada marba uu dalku marayo siiba dhinaca arimaha gudahaa, dhaqaalaha, iyo siyaasada oo uu firro gaar ah u yeesho. Waa inuu  halkii uu dalka ugu yimid hore uga sii qaada.  Bulshadu xanuun badan oo dhaqaale iyo siyaasadeed ayey qabtaa,kaalmo laxaad lehna way u baahan tahay.

Gunaanadka  qoraalkan ayaa  ididiilo weyn ka qaba in isbadal togani ku iman doono  arimaha gudahaa, dhaqaalaha, iyo siyaasada ee dalka Soomaaliland insha Allah. Madaxweyne Muuse Biixi wuu leeyahay kartidii, dadka reer Soomaaliland-na way ku jiraan waayeel badan oo aqoon u leh  arimaha gudahaa, dhaqaalaha, iyo siyaasada, sidaa darteed waxaa Muuse looga fadhiyaa ka faa’iideysiga aqoontaa ceegaagan. Kartidu maaha ta aad leedahay waa ta lagula garab joogo.Qofka hogaaminta wanaagsan waa qofka isku xeera dad aqoon iyo karti horumarineed leh, muujiyana inuu had iyo jeer u baahan yahay inuu la tashado waxgaradka bulshada.

Fu’aad Sheekh

Bahda Mareegaha Farshaxan

www.farshaxan.com ama www.farshaxan.org

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso