Tirsiga Soomaaliga Qaybtii  2aad   Tirsiga Soomaaliga 

Tirsiga Soomaaliga Qaybtii  2aad

Tirsiga Soomaaliga

Gu’ga

gu’gu waa xili roobaadka  uu da’o roobka ugu badan, waana waqti barwaaqo ah,   waxa dhala xoolaha sidoo kale waxa la qotaa beeraha si loo beerto dalagyo kala duwan, wuxuu ka kooban yahay saddex bilood (abril, may iyo juun).

Xagaa

Xagaagu waa waqti aad ukulul marka lags  eego goobalada qaar, sida xeebaha oo xiligaa laga xagaa baxo.
Halkase goobaha qaar aanay lahayn kuleyl laga cabankaro.
Xagaagu wuxuu ku beegan yahay bilaha (julaay  ogosto iyo sebtenbar).

Dayr

dayrtu  waa waqtiga uu da’o roobku hasayeeshee waxa ka badan roobabka da’a gu’ga.
Waxayna ku beegantahay bilaha  ( oktoober noofeenber  iyo diisanber).

Jiilaal

xilliga jiilaalku waa waqtiga ugu qabow dhulka soomaalida, waana  qalayl  mana da’o wax roob ah   waxyna ku beegantahay bilaha (jeeni-wari, feebar-wari  iyo  maaris).

Bilaha soomaalidu tirsato inkastoo aad arki karto bilo ka duwan kuwan  waxaan raadsaday bilaha ugu xooga badan ee soomaliada waxaana kamida kuwan hoosku xusan.

1. Serma-weydo (30 cisho)
2. Cawl (31 cisho)
3. Dirir-sagaaleed (30 cisho)
4. Dayr-holholeed (30 cisho)
5. Gudban (31 cisho)
6. Danbansane (30 cisho)
7. Xays (30 cisho)
8. Todob (31 cisho)
9. Diraac (30 cisho)
10. Samaalaho (31 cisho)
11. Bil-karameed (30 cisho)
12. Waran-waare ( 31 cisho)

Qoraa Ahmed Muuse(Ahmed Cade)

Advertisement

Ku Xayeysiiso