Xaaladda Jamhuuriyadda Afrikada dhexe oo laga deyrinayo

Waxaa xaaladdooda laga deyrinayaa Kumanaan Qof oo ka barakacay rabshadaha ka soconaya Dalka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Hay’adaha samafalka ee halkaasi ka howl gala ayaa ku tilmaamay rabshadaha ka aloosan Afrikada dhexe inay yihiin mid ka mid ah kuwa caalamka ugu qallafsan.

Inkasta oo ay Dowladdu leedahay awoodda sare ee Waddanka, waxaa haddana soconaya rabshado ay kooxaha Hubaysan halkaasi ka wadaan, kuwaas oo ku salaysan arrimaha Diinta.

Hay’adaha ayaa sidoo kale sheegay in rabshadahani ay ku bara-kaceen in ka badan 20,000 Qof, kuwaasoo intooda badan ku jira Xerada, Kaga Bondoro,  sida ay sheegtay warbaahinta Al-Jaziira.

Advertisement

Ku Xayeysiiso