Suxufiyiin ka tirsan CPJ (Committee to Protect Journalists) oo lasii daayay

Masuuliyiinta Dalka Tansaaniya ayaa sheegay in lasii daayay Laba Suxufi oo ka tirsanaa Ururka CPJ (Committee to Protect Journalists), kuwaasoo ku xidhnaa meel aan la garanayn.

Ms, Muthoki Mumo , oo asal ahaan kasoo jeedda Dalka Kenya ayaa horay ugu tirsanayd Jariiradda , Nation Media Group’s Business Daily,iyadoo haatanna ahayd wakiilka dhinaca Saxaafadda ee Dalalka Saxaaraha ka hooseeya , halka ,Ms. Angela Quintal, ay iyana ahayd Isku-duwaha Barnaamijka Afrika ee Waddamada Saxaraha ka hooseeya,Sub-Sahara Africa Program Coordinator.

Mr, Thami Mseleku, oo ka tirsan masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Koofur Afrika ayaa sheegay inay Labadan Gabdhood dib ugu laabteen Hoteelka ay ka deggen yihiin Magaalada Dar-es-Salaam, kulanna ay la qaateen Xalay Maqribbadii.

Labadan Saxafi oo howlo shaqo u joogay Dalka Tansaaniya ayaa Arbacadii lagu xidhay Magaalada Dar-es-Salaam, lamana sheegin sababta iyo cidda ka dambeysay falkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso