Ruushka oo dhex-dhexaadinaya Dowladda Afghanistaan iyo Talibaan


Dhismaha Wasaaradda Dibadda Ruushka


Dowladda Ruushka ayaa Berrito oo Jimca ah lagu wadaa inay qabato wareegga Labaad ee kulan lagu dhex-dhexaadinayo Dowladda Afghanistaan iyo Ururka Taliban.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Dalka Ruushka Sergey Lavrov, ayaa sheegay in shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ay marti gelin doonto xukuumadda Moscow 9-ka Bishan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ayaa marti qaad rasmi ah u kala dirtay Madaxda 11 Dal oo kala ah , Afgaanistaan, Maraykanka, Hindiya, Iran, Shiinaha, Pakistan, Kazakhstan, Tajikistan, Turkmenistan iyo Uzbekistan.

Madaxweynaha Afghaanistaan, Asharf Ghani, ayaa mar horeba xaqiijisay in wafdi ka socda Golaha ammaanka Qaranka uu u diri doono Shirka, halka Taalibaanna ay sidoo kale sheegtay in ay wakiillo u diri doonto Moscow, kuwaasoo ay ka mid yihiin xubno ka socda Xafiiska Siyaasadda Taliban ee Magaalada Doxa Dalka Qadar.

Advertisement

Ku Xayeysiiso