Halku dhiga wanaagsani waa Hanaanka Bulsho.

Waa qoraalo kooban oo aan markale qalinka ku ururiyay isla markaana iftiiminaya waxayaaban kala duwan.

* Sirta Noloshu maaha in aad jeceshahay waxaad samayso, laakiin waa in aad jeceshay waxaad qabanayso.
* La fadhiiso dadka caqliga badan Xataa hadii ay cadawgaaga yihiin.
* Lawadaag qaraabadaada Iyo ehelkaaga Cuntada iyo cabitaanka laakiin ha lawadaagin shaqada (Danoo keenta mooyee).
* Geesinimadu waa Qofka cabsidiisa Xakameeya laakiin maaha Qofka oo Cabsidu ka guurto.
* Usamir Xassadkaaga ilaa inta uu samirkaagu dilaayo ama Ka adkaanayo.
* Biyaha Baddu ma liqaan Markabka ilaa iyo isaga gudihiisa Biyuhu galaan.
* Qofka Xoolihiisa ufoofiya meel Habar dugaag hoy u ah iyaga ayaa ka damaanad qaada .
* Cidna Aad ha ugu tiirsanaan waayo Hadhkaaguba waa uu kaa hadhaa marka aad mugdiga gasho. (Allaah talada Saaro oo ku xidhnow, Kalsoonina yeelo).
* Hadii aad ku deeqdo Hantidaada oo dhan dadka ma gaadhsiin Kartid laakiin waxaad gaadhsiin kartaa Dabeecadaad iyo Akhlaaqdaada.
* Adkee oo ku dhaganow Cibaadada iyo Xadhiga Alle , waayo waa waxa ugu mihiimsan ee mudan in aad ku dadaashid.

W/Q. Abdirashid Muse Adan . rashaad055@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso