Caruur La soo badbaadiyey dalka Kameruun

Jabhada gooni goosadka ah ee ka dagaalanta dalka Kameruun, ANGALOPHONE iyo dawladda dalkaasi, ayaa midba midka kale ku eedeeyay in ay qafaasheen arday caruur u badan,kuwaasoo tiradooduna ay gaadhayso 78.

Caruurtan oo hadda la sii daayey qeyb ka mid ah ayaa waalidiinta caruurtaasi dhalay aad u soo dhaweeyeen talaabadan “inkasta oo aanu socod dheer galnay, oo aanu baadiye fog sii dhex jibaaxnay ,hadana waa guul iyo farxad mar hadaanu haysano caruurtayadii oo caafimaad qabta”sidaas waxaa tidhi mid ka mid ah waalidiinta caruurtaasi ka maqnayd.

Dhinaca kale waxaa jira wer wer ay qabaan waalidiin kale oo aan wali faro ku hayn caruurtoodii, iyadoo jabhada gooni goosadka ah iyo dawlada dalkaasiba dafireen haysashada caruurta maqan.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in caruurta gacanta lagu hayo ay qaar ka mid ah u baahan yihiin baxnaano caafimaad.

Ma aha markii ugu horeysay ee dalkaasi ay ka dhacaan falalka noocan oo kale ah, dowlada iyo jabhaduna uu mid dhiniciisa eedda saaro dhinaca kale

Advertisement

Ku Xayeysiiso